Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Xukuumadda Ku Taageeray Tallaabadii Degmada Saax-dheer Lagaga Sifeeyay Maleeshiyaadkii Khaatumo,

0
Saturday August 30, 2014 - 15:07:25 in by Hargeysa Office
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Xukuumadda Ku Taageeray Tallaabadii Degmada Saax-dheer Lagaga Sifeeyay Maleeshiyaadkii Khaatumo,

    Meel Adagna Iska Taagay Baaqii Reer Galbeedka iyo QM Odhaahyada Xisbiyada Mucaradka iyo QM isu mariyeen Warbaahinta waxa kamid ahaa:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meel Adagna Iska Taagay Baaqii Reer Galbeedka iyo QM Odhaahyada Xisbiyada Mucaradka iyo QM isu mariyeen Warbaahinta waxa kamid ahaa:

"Waxaan Ku Baaqeynaa In Si Deg-deg Ah Dib Looga Saaro Ciidamada Hubeysan Saax-dheer Iyo In Si Deg-deg Ah Loo Sii Daayo Maxaabiista La Haysto” QM iyo Reer Galbeedka

"Waa In La Laalo Wadahadalladii Soomaaliya Iyo Somaliland, Waa In La Joojiyo Isku Socodkii Soomaaliya iyo Somaliland Oo La Xidhaa Xuduudaha Soomaaliya..” Xisbiga WADDANI

"Beesha Caalamku Ma Jirto Wax Ay Somaliland Ku Qasbi Karaan Ee Howshii Loo Diray Oo Ah Inay Soomaaliya Nabadeeyaan Ha Qabsadaan..” Xisbiga UCID


Maalin ka dib, markii Ciidamada qaranka Somaliland qabsadeen degmada Saax-dheer ee Gobolka Sool, isla-markaana tallaabo ka qaadeen Maleeshiyaadka kooxda Khaatumo oo halkaasi ku ilaalinayey Proff. Cali Khaliif Galaydh oo doonayey in loo caleemo saaro Madaxwayne-nimo, ayaa qaramada Midoobay iyo dalalka reer galbeedku waxay ka hadleen hawlgalka ay ciidamadu halkaasi ku tageen.

War-saxaafadeed ay shalay soo saareen Wakiilka Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya, Ergayga Gaarka ah ee Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa dawladda Somaliland ka codsaday inay degmada Saax-dheer ka qaado ciidamada qabsaday isla-markaana la soo daayo Maxaabiis kala duwan oo ciidamadu ku qabteen hawlgalkii ay Saax-dheer kaga sifeynayeen Maleeshiyaadka kooxda Khaatumo.

 


 

Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P.McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned’Urso, ayaa qoraalkooda ku sheegay inay ka walaacsan yihiin ciidamada hubaysan ee la geeyey degmada Saaxdheer ee gobolka Sool iyo khilaafka arrintaasi ka taagan.

War-saxaafadeedkan oo ay si wada jir ah u soo saareen, Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan Somaaliya, Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya, ayaa lagu yidhi "Waxaan ku baaqeynaa in si deg-deg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saax-dheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi, oo intaasi ku daray "Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed”

Safiirradan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Maraykanka, ayaa sidoo kale sheegay "Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka..”

Qoraalka ayaa intaasi ku daray "Wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo safiirka Midowga Yurub waxa ay ku boorinayaan Somaliland iyo dadka deggan gobolka xaaladahaan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka” ayaa lagu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dhammaan qaybaha in ay raadiyaan xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad iyo daganaansho waarta oo ka hirgasha gobolka…”

Qoraalkan faro-gelinta ah ee ay xaaladda Saax-dheer ka soo saareen Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, ayaa waxaan ka hadal xukuumadda Somaliland, hasa-yeeshee waxa arrintan si adag uga hadlay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay inaan Somaliland lagu qasbi Karin inay ka baxdo dhulkeeda.

Faysal Cali Waraabe, oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da, ayaa yidhi "Beesha caalamku ma jirto wax ay Somaliland ku qasbi karaan ee howshii loo diray oo ah inay Soomaaliya nabadeeyaan ha qabsadaan, waxaanan leeyahay annaga ayaa Somaliland dhisannay, annaga ayaana mideynay, mana ahan in markii ay ku guuldarreysteen howshii Soomaaliay inay innaga shaqo naga dhigtaan”

Guddoomiyaha UCID, waxa uu sheegay in shacabka ku nool Saax-dheer iyo guud ahaan gobolka Sool ay reer Somaliland yihiin "Shacabka deegaankaas ku nool waa shacab Somaliland, waana dad aan doonayno inaan maamulkeenna gaadhsiinno, balse kan ay canaantu saaran tahay waa nin inta Xamar ka yimid yidhi i boqra maamul aanu caqliga galayn ayaan sameynayaa ninkaas ayay canaantu saaran tahay..”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in weerarka lagu qaaday Saax-dheer laga fursan waayay "Weerarkaas wuxuu ahaa mid ay Somaliland ka fursan wayday, balse waan ka xumahay dhibaatadii dhacday”

Guddoomiyaha xisbiga UCID, waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland ku taageersab yihiin weftiga ay u dirtay dalka Itoobiya "Waan ku taageersanahay xukuumadda Somaliland wefdiga ay dirtay kuwaas oo kala hadli doona Itoobiya inay xuduudeeda ilaaliso, taasina waa mid aan xaq u leennahay”

Sidoo kale, xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa War-saxaafadeed ay xalay ka soo saareen xaaladaha siyaasadeed ee dalka ku soo kordhay iyo dagaalkii Saax-dheer, wuxuu xukuumadda ku taageeray tallaabadii ay ka qaaday Maleeshiyaadkii isku urursanayey Saax-dheer, waxaanu sidoo kale hambalyo u diray ciidamada qaranka ee jiidaha Gobolka Sool.

War-saxaafadeedkaasi ayaa u dhignaa sidan "Haddii aanu nahay XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADDANI, waxaan hambalyaynaynaa ciidanka qaranka ee Somaliland oo si hagar la’aanta ah ee uu waajibkiisa qaran u gutay ee ah inuu ka difaaco dalka cid Allaale iyo ciddii ku soo xadgudubta xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland. Waxaynu ka war qabnay in maalmahanba colaad Somaliland dhexdeed laga maleegayay oo uu hubku iyo saanaduba ka imanayeen Somalia, taas oo looga dan lahaa in la iska hor keeno dadwaynaha Somaliland, iyada oo la adeegsanayay Siyaasiyiin nabad diid ah kuna caan baxay iska hor keenka shacabka kuwaas oo Iskooda u shaqaysata oo aan u dananayan shacabka reer Somaliland.

Xisbiga Waddani wuxuu mudooyinkan danbeba ka qaylinayay dawladda laga dhex dhisayo dalkeena Somaliland, waa ILAAHAY mahadii mar haddii ay xukuumaddeenu u dhego nuglaatay baaqi xisbiga Waddani, waxaanu leenahay haddii ay xukuumaddeenu sidaas oo kale ugu dhego nuglaan lahayd baaqyadii horena sidaa maanta aanu guushan ugu amaanayno baynu u guulaysan lahayn. Waxaanu ku baaqaynaa in ciddii reer Somaliland ah ee wax tabanaysaa ay wadahadal ku dhamaysato ee aanay iyadu sharciga gacanteeda ku goosn soona adeegsan ciidamo shisheeyah iyo qori caaradii.

Waxaanu u soo jeedinaynaa Xukuumaddeena.

1. inay talaabo cad ka qaado xidhiidhki innaga iyo Somalia

a) in la laalo dhammaan wadahadalladii Somalia iyo Somaliland.

b) in la joojiyo isu socodkii Somalia iyo Somaliland

c) in la xidho xuduudaha Somalia iyo Somaliland.

d) In dib u eegis lagu sameeyo Qaxoontiga Somalia”

War-saxaafadeedka xisbiga WADDANI, ayaa waxa ku saxeexnaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).


Dhanka kale, dawladda Ingiriiska oo laba bilood ka hor markii ciidamada qaranku gaadheen degmada Taleex reer galbeedka ku wehelinaysay baaqii la midka ahaa kan ay Saax-dheer kaga hadlayaan, ayaan iyadu shalay ka muquuratay inay Maraykanka, Midowga Yurub iyo qaramada Midoobay ku raacdo baaqa ah in Somaliland ka baxdo Saax-dheer. 




Contact@afkashacabka.com