GABAYGABAY QAYRUDOOD BY: ABWAN LAYLA MAXMED SICID

0
Saturday September 06, 2014 - 18:41:51 in by salman abdi
  • Visits: 1664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAYGABAY QAYRUDOOD BY: ABWAN LAYLA MAXMED SICID

    Qarnigaynu joognaan bulshada qawl udirayaaye Tixdan qayr udood loo baxshee qaladka reebaysa Mutafoow intaad qaybisood qudhuga faalooto Qofkastoo walaalkeena sii qabo intay gaadho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarnigaynu joognaan bulshada qawl udirayaaye Tixdan qayr udood loo baxshee qaladka reebaysa Mutafoow intaad qaybisood qudhuga faalooto Qofkastoo walaalkeena sii qabo intay gaadho


Carrab kiyo qalbigu waa kuwii qoomamkii rogaye
Iyagaa arwaaxdana qariba qoola oodila ee
Iyagaa qasaaraha ku rida dhaca qiyaamaha ee
Marna qayrka guushiyo kartida qalabka weeyaanee
Iyagaa janada qaaliga ahquruxda aanguurin
Inkastooy qoraal tahay hana sababta qaabaynee
Marba kaad kuqabataan ayeeysoo qadimayaane
Carrabkiyo qalbigu waa daraan mirir qadoodayne
Qabta oointaad laylidaanqabaw kuoodeeya
Qadaf kana kaceli cayda yeyqalin walaalkoodee
Qalqalooca yey kuula baran qabo awoodaada
Qiso ugadhac dunidani inay qalabad guurayso
Ooqawlka kiisii haboon qalinku sheegaayo
Qabadkuna ayaantaa kubado qoomamiyo ciile
Qosolkana yaree ruuxdu yey kula qab waynaane
Qabri inay gelaysana usheeg qaafil yeey noqone
Qasab kaga dhig soontana inaad qaado faralkeeda
Iyo qaar sunna ah ooku xidhan qaabka nebigeena (scw)intaan mawdku kaaqaban kuhay qirada tawxiidka
Qudhunkiyo faxshigu waa kufriga qabaradoodiiye
Bilqusuus na dhalinyaro qadari qodobadaan sheegay
Adiguu ninkii qalad rabaa kugu qudhaabtaaye
Qaska kii sameeyaa aduu qoolku geliyaaye
Qudhunkiyo faxshigu waa kufriga qabaradoodiiye
Dhalintii badh baaqaayisoo qubay akhlaaqdiiye
Qalbiyada kanaafoobay oonxumo qalaynaynee
Qof islaama adigoo ah ooqaadir kuarkaayo
Ooqaab laguu uumay ooqurux laguu yeelay
Qalbigaaga shaydaan kadhigin qolada gaalowday
Qumanaan miyaad moodaysaan sigiska qaaqaawan
Qudhunkiyo faxshigu waakufriga qabaradoodiiye
Adoo qurub xalaalo kuyimi qaadi meherkiisa
Biritana qulqulayo dhexgeli helqubuureedka
Indhuhuna waxaad qabatay bay qiri markaad diido
Qumanaan miyaad moodaysaan sigiska qaaqaawan
Qudhunkiyo faxshigu waa kufriga qabaradoodiiye
Qaabilaad siyaasadi gashay qadad maleegaane
Qunyar inaad gashay doonayaan qariyo haadaane
Qafuurow raxmaanow hadee qolada baydhbadha
Inta beled qayirantee alloow cadawgu qoolaayo
Qarqarsiga kuwaa lagu hayeen sheegan karan quudka k
Kuwa qaarba qaarlu diree kalaqamaadaaya
Intadhiig islaam qubanayseen qiila lagu haysan
Qaskadhacay qabuuraha fatahay qoriga reemaaya
Muslimiinta eebaw quwee qarada liicaaya
Taladoodu wayqeedhintee qaxar hadhaafane
Qaraarka haku gaadhaan inay qumisutaagaane
Qushuucdada eebawkubeer hana qaqaboobaane


Waayadan dambe waxaa lacaadaystay waxyaabo kabaxsan akhlaaqda islaamka 


waxaa diyaarisay 
Abwan layla maxamed siciid
Saudi Arabiya