Wargayska Caanka Ah Ee L'Équipe Oo Soo Bandhigay Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Zinedine Zidane Ku Shaqayn Karo Iyo Laba Bar-Tilmaameed Barcelona Ah Oo Ku Soo Baxay.

0
Friday March 29, 2019 - 10:59:17 in by salman abdi
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargayska Caanka Ah Ee L'Équipe Oo Soo Bandhigay Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Zinedine Zidane Ku Shaqayn Karo Iyo Laba Bar-Tilmaameed Barcelona Ah Oo Ku Soo Baxay.

    Wargayska Caanka Ah Ee L'Équipe Oo Soo Bandhigay Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Zinedine Zidane Ku Shaqayn Karo Iyo Laba Bar-Tilmaameed Barcelona Ah Oo Ku Soo Baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargayska Caanka Ah Ee L'Équipe Oo Soo Bandhigay Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Zinedine Zidane Ku Shaqayn Karo Iyo Laba Bar-Tilmaameed Barcelona Ah Oo Ku Soo Baxay.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka shaqaynaya in uu dib u dhis wayn ku sameeyo kooxdii ay labada tababare uga danbeeyeen isla markaana ay ku soo fashilmeen ee Real Madrid wuxuuna Zidane isha ku hayaa in uu saxiixyo magacyo waa wayn leh keeno Bernabeu.

Wargayska caanka ah eeL’Équipe oo ka soo baxa dalka uu Zidane dhalasho ahaan ka soo jeedo ee France ayaa soo bandhigay shaxda macquulka ah ee uu macalinka Madrid ku soo shaqo tagi karo xili ciyaareedka soo socda.

WargayskaL’Équipe ayaa shaxdan ku soo daray shan ciyaartoy oo aan hadda Real Madrid ka tirsanayn oo ay sheegeen in ay suurtogal tahay in Zidane uu la soo saxiixan karo waxaana shantan ciyaartoy ka mid ah laba bar-tilmaameed u ah Barcelona.

Aan ku bilawnee waxaa shaxdan goolka ugu jira Keylor Navas iyada oo layska ilaaway goolhaye Courtois oo booska kowaad soo haystay xili ciyaareedkan waxaana la aaminsan yahay in Zidane uu sii aamini karo Navas waana sababta uuL’Équipe shaxda macquulka ah ee Zidane uu ugu soo bilaabay.

Afarta difaaca ah waxa uuL’Équipe shaxda Zidane ee xili ciyaareedka soo socda uu ka dhigay Sergio Ramos, Marcelo, Dani Carvajal iyo difaaca kooxaha badan diirada u saaran ee De Ligt. Barcelona ayaa ilaa hadda loo arkaa in ay fursada ugu wayn u haysato saxiixa difaaca Ajax ee De Ligt laakiinL’Équipe ayaa saadaaliyay in Zidane uu ku guulaysan doono.

ShaxdaL’Équipe ee uu lagu sheegay in Zidane uu ku soo shirtagi doono xili ciyaareedka cusub wwaxaa khadka dhexe ugu jira Casemiro, Pual Pogba iyo Rabiot iyada oo Rabiot uu markale yahay bartilmaameed kooxda Barcelona ay doonayso isla markaana ay sababta Barca isku seegeen kooxdiisa PSG.

Pual Pogba oo Man United ka tirsan ayuuL’Équipe sheegay in Zidane uu shaxdiisa ku heli doono xili ciyaareedka soo socda halka weerarka ay ku jiraa Eden Hazard iyo Kylian Mbappe oo labadaba lacago waali ah ay Madrid ku heli karto inkasta oo ay xataa adag tahay in ay PSG iyo Chelsea dhegaysan karaan dalabyada Madrid balseL’Équipe ayaa shaxda Zidane ku soo xidhay Karim Benzema.

Halkan kaga bogo Shaxda Macuulka ah Ee Uu Zidane ku soo shirtagi Karo Ee uu Soo XulayL’Équipe:

Haddii ay dhacdo in Zidane uu kuwada guulaysto shanta saxiix ee shaxdaL’Équipe u soo baxay, waxaa hubaal ah in uu koob kasta oo ay kooxdiisu ku jirto si toos ah ugu tartami karo, miyayse Madrid u suurtogali doontaa in ay shaxda kooxdan riyada hesho?.