Falcon Coach Bus oo muddo isku dhaw Shilal kala duwan ku galay DDS

0
Monday June 10, 2019 - 10:22:25 in by salman abdi
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falcon Coach Bus oo muddo isku dhaw Shilal kala duwan ku galay DDS

    Falcon Coach Bus oo muddo isku dhaw Shilal kala duwan ku galay DDS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falcon Coach Bus oo muddo isku dhaw Shilal kala duwan ku galay DDS

Shirkadda Basaska waawayn ee Falcon Coach Bus basaskeeda qaar ka mid ah ayaa muddo 10 maalmood gudahooda shil ku galay meelo kamid ah degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

galinkii danbe ee maalintii shalay ayuu shil ku galay Bas ay leedahay Shirkadan Falcon Coach magaalada Shaygoosh oo ka tirsan DDS. dhaawac mooyee dhimasho lama soo sheegin. Shilkan ayuu Basku wadadii ka baxay kaddibna uu galay guri.


Shilka kale 31 May ayuu galay Baska nooca ay Shirkadani leedahay isagoo marayay meel u dhaw Araarso oo isla degaanka ka tirsan wakhtigaa Taayar ayaa u baxay wax dhibaato ahna masoo gaadhin rakaabkii saarnaa baskan.

Lama oga sababaha shilalkan keenay wakhti aad isugu dhaw, iyadoo shacabkuna ay su'aalo iska waydiinayaan arrinkan.

Falcon coach ayaa kamid ah Shirkadaha u horeeya dhanka adeegga socdaalka ee ka hawlgala Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyagoo sidoo kale taga Addis Ababa ilaa Wajaale.