Nin lagu eedeeyay in uu duubtay cawrada 550 haween ah oo Madrid ku sugan
Nin ayaa lagu xiray magaalada Madrid isaga oo looga shaki sanyahay in uu duubtay muuqaalo uu ku bartilmaameed saday cawrada dumarka goonooyinka qaba, ka dibna uu muuqaaladaas intooda badan galiyay onlineka.
Ninkaas oo u dhashay dalka Colombian isla markaasna 53 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu muuqaaladan ku duubay taleefanka gacanta oo uu ku qariyay boorsada dhabarka lagu qaato.
Booliiska ayaa sheegay in ninkaas uu website-yo galiyay ugu yaraan 283 muuqaal, lana daawaday malaayiin jeer.
Qaar badan oo ka mid ah 555 dumarka ah ee muuqaallada qarsoodiga ah laga duubay ayaa la sheegay in ay ahaayeen gabdho ay da'doodu ka yar tahay 20 sano kuwaas oo badankooda lagu bartilmaameedsaday khadadka tareennada.
Ninkan ayaa lagu eedeeyay in uu maalin walba duuban jiray cawrada dumarka goonooyinka qaba tan iyo xagaagii, markaas oo uu billaabay in uu muuqaalladda galiyo onlineka.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu mararka qaar bartilmaameedsan jiray dumarka ka adeeganaya suuqyada, isaga oo salaami jiray isla markaasna baran jiray dumarka si uu isugu dayo in uu ka duubto muuqaal si fiican loo arki karo.
Booliiska ayaa billaabay in ay dabo galaan ninka laga shakisan yahay, waxayna xireen isaga oo haweenay ku duubanaya goob laga raaco tareenka dheereeya.
Muuqaal ay Twitterka soo dhigeen booliiska qaranka ayaa lagu sheegay in ninka laga shakisan yahay uu yahay "mid ka mid ah dadka gaystay meel ka dhaca ugu wayn ee dumarka lagu bartilmaameedsado marka laga hadlayo dhanka cawrada".
Nin lagu eedeeyay in uu duubtay cawrada 550 haween ah oo Madrid ku sugan
Nin lagu eedeeyay in uu duubtay cawrada 550 haween ah oo Madrid ku sugan