Dowladda Soomaaliya oo shir guddoonka Jaamacadda Carabta ku wareejisay dowladda Ciraaq

0
Wednesday September 11, 2019 - 12:51:35 in by salman abdi
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo shir guddoonka Jaamacadda Carabta ku wareejisay dowladda Ciraaq

    Dowladda Soomaaliya oo shir guddoonka Jaamacadda Carabta ku wareejisay dowladda Ciraaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo shir guddoonka Jaamacadda Carabta ku wareejisay dowladda Ciraaq

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim.

 

 

 
 
Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta ayaa sheegay in qadiyada falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo falastiin leedahay caasimadeeduna tahay magalada Qudus.

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadamada Carbeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo qalalaasaha ka taagan wadamada Carbeed qaarkood,sida Libya,Yemen iyo Suuriya

Dhinaca kale isaga oo ka hadlayay Wasiir Cawad Arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay weli jirto qatarta waxa loogu yeero Argagaxisada deegaannada qaar,waxaana uu ugu baaqay dowladaha Carabta ay Soomaaliya u baahan tahay in laga taagero dib u dhiska lana fuliyo balan qaadyadii ay horay ugu sameeyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Lix bilood ah ahaa Shir guddoomiyaha Golaha wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta,isaga oo guddoomiyay shirar dhowr ah oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibadda ee dalalka Carbeed.