Qofkii ugu da'da weynaa Dunida Lagu eedeyso falal aragagixiso+Dalka Uu ka Soo Jeedo.

0
Saturday October 17, 2020 - 08:27:15 in by salman abdi
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofkii ugu da'da weynaa Dunida Lagu eedeyso falal aragagixiso+Dalka Uu ka Soo Jeedo.

    Qofkii ugu da'da weynaa Dunida Lagu eedeyso falal aragagixiso+Dalka Uu ka Soo Jeedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofkii ugu da'da weynaa Dunida Lagu eedeyso falal aragagixiso+Dalka Uu ka Soo Jeedo.

Galab Khamiis ah, askar ka socotay ciidamada dambi baarista Hindiya ayaa gaaray guri ku yaalla duleedka magaalada Ranchi oo ka tirsan gobolka bariga ku yaalla ee Jharkhand, waxay halkaas ka soo qabteen Stan Swamy oo ah nin waayeel ah oo 83 sano jir ah, Waa baaderi u ololeeyo xuquuqul insaanka.

Waxay ka qaateen teleefoonkiisa gacanta, wey la tageen, waxay saareen diyaaradda u socotay Mumbai halkaas oo markii dambe lagu xiray ninka odeyga ah. Inta laga maxkamadeynayo wuxuu kusii jirayaa xabsiga tan iyo 23-da bisha Oktoobar.

Hadda wuxuu noqonayaa qofkii ugu da'da weyna ee dalka Hindiya gudihiisa lagu soo eedeeyay falal argagixiso ah.

Waaxda qaran ee dambi baarista ee Hindiya ee NIA ayaa wax ka qabata dambiyada la xiriira falalka argagixisada ah, waxaana ninkan lala xiriiriyay qalalaase ka dhacay dalkaas sannadkii 2018-kii.

Waxaa rabshadadaas lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen koox la yiraahdo Maoists, waana jabhad ka howlgasha deegaanno dhowr ah oo ku yaalla bariga iyo bartamaha Hindiya, waxay kooxdaas ku anddacooneysaa in ay u dirirayaan xuquuqda qabaa'ilka deggan halkaas iyo kuwa saboolka ah.

Muuqaal la duubay ka hor inta aanan la xirin, Stan Swamy, wuxuu sheegay in ciidamada dambi baarista ay baarayeen 15 saacadood maalin kasta, baaritaankaas oo socday muddo shan maalmood ah bishii July.

Waxay kombiyuutarkiisa ka soo bixiyeen muuqaallo muujinayo in uu xiriir la leeyahay jabhadda Maoists, wuxuuna waxbo kama jiraan ku tilmaamay eedeymahaas.

Tan iyo bishii Juun ee sannadkii 2018-kii, dowladda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, waxay xabsiga dhigtay 16 qof oo lala xiriiriyay qalalaasihii sannadkaas ka dhacay tuulada Bhima Koregaon ee ku taalla gobolka Maharashtra, waxaana dadkaas la xiray ka mid ahaa aqoonyahano si weyn looga qaddariyo Hindiya, qareenno iyo waxgarad.

Dibadbaxyo ayaa ka dhashay markii la xiray Stan Swamy

XIGASHADA SAWIRKA,PTI

Qoraalka sawirka,

Dibadbaxyo ayaa ka dhashay markii la xiray Stan Swamy

Waxaana dadkaas dhammaantood loo diiday in damaanad lagu sii daayo. Dowladda waxay adeegsaneysay sharciga la dagaallanka argagixisada kaas oo ay dad badan rumeysan yihiin in lagu bartilmaameedsanayo mucaaradka.

"Gebi ahaanba, waa arrin argagax leh. Xaadgudubka loo geysanayo dadka difaaca xuquuqul insaanka waa arrin kasii dareysa, gudaha Hindiya," waxaa sidaas tiri Sangeeta Kamat oo ah barfesoor wax ka dhigta jaamacadda Massachusetts ee ku taalla Amherst ee dalka Mareykanka.

Kamat waxay sheegtay in tallaabadan lala barbardhigayo sannadkii 1975-tii, xilli Ra'iisul wasaarihii Hindiya Indira Gandhi, uu xaalad degdeg ah geliyay dalka si uu u xakameeyo xuuquuqda shacabka iyo in uu soo rogay tallaabooyin lagu adeegsanayay awoodda dowladda oo xad dhaaf ahayd.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa labo jeer la weeraray guriga ninkan odeyga ah, dadka waxay u yaqaanaan in uu yahay nin deggan oo u ololeynayay xuquuqda qabaa'ilka ku nool gobolka, tan iyo markii uu degay gobolka Jharkhand, sannadkii 1991-dii.

Gobolka Jharkhand waa deegaan markasta uu ka dhoco qalalaasaha ay jabhadda Maoist ka geysto halkaas, sidoo kale waa deegaan ay ka taagan yihiin abaaro - boqolkiiba 5% ka mid ah bulshada gobolka ayaa sannadka kasta, shaqo ama waxbarasho u doontaan gobollada kale.

Jharkhand waa gobol qani ku ah macdanta Hindiya, boqolkiiba 40%, sida uranium, Dahabka, dhuxusha iyo maarta. Shacabka gobolkaas waxay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin, waxaana ku nool dadka laga tirada badan yahay oo isu arka in la gacan-bidxeeyay.

Inta badan dadka ku nool gobolka Jharkhand waa dad macddan qodota ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Inta badan dadka ku nool gobolka Jharkhand waa dad macddan qodota ah

Stan Swamy wuxuu dagaal u galay sidii uu ugu doodi lahaa xuquuqda qabaa'ilka ku nool gobolkaas Jharkhand.

Wuxuu dacwad u gudbiyay maxkamadda sare si uu u soo daayo 3,000 oo da'yar ah isugu jirta dumar iyo rag oo ku jiray xabsiyada dalkaas, waxaana lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen jabhadda Maoists.

Wuxuu sameeyay olole uu ku wacyigelinayay shacabka degan dhulka miyiga ah in xuquuqdooda ay u dagaallamaan. Wuxuu ka hadli jiray dhibaatooyinka heysta dadkaas, wuxuuna kula talin jiray in aanay ogolaan in howlaha macaddan qodashada sharci darrada ah laga fulliyo deegaankooda.

Tan iyo markii Hindiya ay xornimada qaadatay, in ka badan 1.7 malyan oo qof ayaa laga qixiyay dhulkooda kaddib markii halkaas laga sameeyay warshado soo saara korontada, iyo mashaariic dhanka beeraha ah.

Shacabka ku nool Jharkhand waxay kamid yihiin dadka ugu saboolsan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Shacabka ku nool Jharkhand waxay kamid yihiin dadka ugu saboolsan

Stan Swamy, inkasta oo xaaladdiisa caafimaad ay kasii dareyso, weligii wuxuu ahaa qof u doodi jiray xuquuqda shacabka ku nool gobolka ku yaalla bariga Hindiya, wuxuu ka badbaaday cudurka kansarka kaddib markii saddex qalliin lagu sameeyay.

Wuxuu sanado ka hor ka qeyb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeeday dilalka sharciga ka baxsan ee ka dhaca Hindiya.

Jean Dreze, oo ah nin heysta dhalashada Belgium iyo Hindiya ,kuna takhasusay dhaqaalaha, oo si weyn u yaqaanay Swamy, wuxuu ku tilmaamay qof "deggan oo daacad ah, oo wakhtiga ilaaliya isla markaana ka adag howshiisa".