Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa Kulan uu ku dhiirigelinayey Ubadka Wax akhriska iyo Qoraalka ugu Qabtay Xarunt Maktabadda Naadiga ee Burco.

0
Friday November 07, 2014 - 16:19:52 in by salman abdi
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ayaa Kulan uu ku dhiirigelinayey Ubadka Wax akhriska iyo Qoraalka ugu Qabtay Xarunt Maktabadda Naadiga ee Burco.

    Kulankaasi oo ay soo Qaban qaabiyeen Hablaha Naadiga Halkaraan ayaa Caruurta loogu akhriyey Buugaag Tiro badan oo sheekooyin ay xiisaynayaan u badnaa, Akhriskaasi kadib waxa caruurtaasi yaryar oo Da'doodu u dhaxaysay 8 illaa 13 jir iyaga laftood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankaasi oo ay soo Qaban qaabiyeen Hablaha Naadiga Halkaraan ayaa Caruurta loogu akhriyey Buugaag Tiro badan oo sheekooyin ay xiisaynayaan u badnaa, Akhriskaasi kadib waxa caruurtaasi yaryar oo Da'doodu u dhaxaysay 8 illaa 13 jir iyaga laftoodu akhriyeen Buugaag, iyagoo qaarkood suugaan ka tiriyey sidoo kalena sheekooyin cajiiba ka sheekeyey.


Kulankan ayaa ujeedadiisa ugu weyni ahayd sidii Caruurta Magaalada Burco loo jeclaysiin lahaa akhriska, waxana durba carruutaasi ka muuqday ididiilo iyo rajo ay ka qabeen inay sii wataan akhriska, waxaana si loo jeclaysiiyo loo ballanqaaday in khamiis kasta kulankan oo kale la qaban doono, lagana rabo qof kasta inu sheeko uu buug ka soo akhriyey madasha keeno, oo ka akhriyo.

Hablaha Naadiga iyo Xubno kale oo uu ka mid ahaa Maxamed Xasan Caalin ayaa Sheekooyin qosol leh u akhriyey Carruutaasi oo Hablo iyo innamo ba isugu jiray.

Sahra Maxmed Cali oo ah guddomiyaha Naadiga ayaa Caruurta kelmado guubaabo iyo dhiirigelin ah u jeedisay waxayna carruutaasi ballanqaadeen inay khamiis kasta imanayaan maktabada islamarkaasna akhriyi doonaan buugaagta ay fahmayaan ee maktabadda yaalla.

Waa markii u horeysay ee carruur da’doodu yar tahay oo intaan leeg Naadiga Halkaraan kulan aqooneed lagu kobcinayo garaadkooda laguna jeclaysiinayo akhriska ugu qabto magaalada Burco.








C/risaaq C/laahi Sheekh Aadan (C/risaaq Koronto)
Afkashacabka Burco/Office