Hordhac: QPR v Man City – Kabtan Kompany Oo Ka Maqan Kooxda Difaacaneysa Horyaalka.

0
Saturday November 08, 2014 - 14:21:52 in by Burco Office
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: QPR v Man City – Kabtan Kompany Oo Ka Maqan Kooxda Difaacaneysa Horyaalka.

    Waxa ay aheyd QPR kooxdii uu waqtigii dhimashada goolka guusha ka dhaliyay Sergio Aguero ee ay horyaalka ku qaadeen Man City labo sanno ka hor, taasoo mar walba ka dhoola cadeysiisa jamaahiirta City, laakiin safarkooda haatan ee Loftus Road waa ka ad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa ay aheyd QPR kooxdii uu waqtigii dhimashada goolka guusha ka dhaliyay Sergio Aguero ee ay horyaalka ku qaadeen Man City labo sanno ka hor, taasoo mar walba ka dhoola cadeysiisa jamaahiirta City, laakiin safarkooda haatan ee Loftus Road waa ka adag yahay sidii ay ahaan laheyd bil ama labo bil ka hor.


match-day-preview-qpr-city-1000-850x560

Kulanka: QPR v Man City

Garoonka: Loftus Road

Waqtiga: 8:30 pm Saacada Geeska Afrika


Natiijooyinkii ugu danbeeyay ee City waxa ay ahaayeen kuwa liita, iyagoo gaaray hal guul shantii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana kulankoodii arbacada ee Champions League ee ay guuldarada ka soo gaartay CSKA Moscow uu ahaa mid ka hooseeya wixii laga filayay.

Waxaana ay taasi cadaadiska ku sii kordhineysaa Manuel Pellegrini iyo kooxdiisa kuwaasoo tabaya hal abuurahooda dhaawacan David Silva.

City waxa ay hal dhibic ka sareysaa sidii aheyd waqtigaan oo kale xilli ciyaareedkii hore, laakiin koox ahaan isku mid ahan.

Maxaa Ka Cusub?

Joey Barton iyo Nedum Onuoha ayaa labadoodaba ku soo laaban doona QPR iyagoo ka horimaanaya kooxdoodii hore ee Manchester City ka dib markii ay ka soo kabsadeen dhaawacyo muruqa ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe Jordon Mutch ayaa sidoo kale taam ah mar kale, laakiin Rio Ferdinand waxa uu dhameystiran doonaa ganaaxa uu ku maqan yahay.

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa ka maqnaanaya kooxda martida ah ka dib markii dhaawac uu ku soo gaaray kulankii CSKA Moscow.

Frank Lampard ayaa ka soo kabsaday dhaawac bowdada ka soo gaaray laakiin David Silva iyo Kolarov ayaa maqan.

Shaxda Macquulka Ah:

QPR:Green; Isla, Dunne, Caulker, Onuoha; Vargas, Barton, Sandro, Fer; Zamora, Austin.

Manchester City:Hart; Zabaleta, Mangala, Demichelis, Clichy; Touré, Fernando; Navas, Agüero, Nasri; Dzeko.

Ma Ogtahay?

  • Manchester City ayaan laga badinin afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ka horyimaadeen QPR.
  • Markii ugu danbeysay ee ay labadaan kooxood iska horyimaadeen waxa ay ku kala baxeen barbaro 0-0 ah kulan ka dhacay Lodtus Road 29kii Janaayo 2013.
  • Waxaa jiray shan kaar casaan ah oo la bixiyay sideedii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay iska horyimaadeen labada kooxood.




contact@afkashacabka.com