Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Beesha Caalamka Iyo Qodobada Miiska Saaran

0
Tuesday February 23, 2021 - 17:16:19 in by salman abdi
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Yeeshay Beesha Caalamka Iyo Qodobada Miiska Saaran

    Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Yeeshay BeeshaCaalamka Iyo Arimo Xasaasiya Ah Oo Laga Wada Hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Yeeshay BeeshaCaalamka Iyo Arimo Xasaasiya Ah Oo Laga Wada Hadlay. Waxa saaka kulan ku yeeshay Ambassador Hotel, Hargeysa wakiilo ka kala socday wadamada Britain, Findland, Denmark, Sweden, Norway, Germany, EU iyo wakiilka Qaramada midoobay ee xafiiska Hargaysa iyo xisbiyada qaranka. Kulankan waxa goob joog ka ahaa labada gudoomiye garab ee dhalinyarada iyo haweenka ee xisbiga WADDANI iyo xisbiyada qaranka ee kale. Waxa lagu lafo guray doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee fooda inagu haysa, dhibaatooyinka dhalinyarada iyo haweenka hortaagan iyo weliba sida loo xalin lahaa, Kulanka waxa soo qaban qaabiyay xafiiska wakiilka ingiriiska ee Somaliland.