Sarkaal sare oo Qarax miino lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
Sunday April 18, 2021 - 13:28:25 in by salman abdi
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal sare oo Qarax miino lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

    Sarkaal sare oo Qarax miino lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal sare oo Qarax miino lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee Anadolu sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya iyo askari ilaalo u ahaa lagu dilay qarax miino deeganka Golaley oo hoostaga degmada Balacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe Sabtidii shalay


Sarkaalka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cabdi Tooxow ayaa isaga iyo ilaaladii la soctay lala eegtay miino la dhigay wadada dhinaceeda taasoo keentay in geeriyoodo.

 

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa xaqiijiyay geerida sarkaalkan isaga oo tacsi u diray ehelada marxuumka.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka sarkaalkan, balse qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe waxaa marar badan oo hore weerarro noocan oo kale ka geystay xoogagga Al-shabaab.