Xiisadda Isreal iyo Falastiiniyiinta: Gantaallo lala beegsaday Tel Aviv oo khasaare geystay

0
Wednesday May 12, 2021 - 11:06:44 in by salman abdi
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisadda Isreal iyo Falastiiniyiinta: Gantaallo lala beegsaday Tel Aviv oo khasaare geystay

    Xiisadda Isreal iyo Falastiiniyiinta: Gantaallo lala beegsaday Tel Aviv oo khasaare geystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisadda Isreal iyo Falastiiniyiinta: Gantaallo lala beegsaday Tel Aviv oo khasaare geystay

Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay 130 gantaal ku garaaceen magaalada Tel Aviv ee Israa'iil kadib markii duqeyn dhanka cirka ah o ay Israa'iil ka gaysatay daar weyn oo ku taal marinka Gaza.

Dhismahan oo ka kooban 13 dabaq ayaa la weeraray hal saac iyo badh ka dib markii dadka deegaanka iyo kuwa ka ag dhaw loogu digay in ay ka guuraan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsanayaan mintidiinta ku sugan Qaza iyaga oo ka jawaabaya weerarradii hore ee gantaalada.

Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhimatay rabshadahan oo noqonaya mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee sanado dhaca.

Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay labada dhinac inay soo afjaraan xiisadda sii kordheysa, taasoo daba socota ismaandhaafkii ka taagnaa Qudus.

Kooxahan mintidiinta ayaa horey boqolaal gantaal ugu riday dhanka Qudus iyo aagag kale.

Saddex qof ayaa lagu dilay aagga Israa'iil halka ugu yaraan 28 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka ee Israa'iil.

Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horaysay sheegay in kooxda Xamaas, "ay ka gudbeen khad cas" iyagoo gantaalo ku garaacay magaalada Qudus markii ugu horaysay sannado.

Xamaas, oo gacanta ku haysa Gaza, ayaa sheegtay inay u dhaqmayso sidii masaajidka al-Aqsa ee Qudus looga difaaci lahaa Israa'iil gaar ahaan "gardarada iyo argagixisanimada" kadib markii goobtan oo u ah meel barakaysan Muslimiinta iyo Yuhuuda ay isku dhaceen booliska Israel iyo Falastiiniyiinta Isniintii, hallkaas oo boqolaal qof ay ku dhaawacmeen.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa la arkay rabshadihii ugu xumaa ee ka dhaca magaalada Qudus tan iyo sanadkii 2017-kii. arrintan ayaa dabab socota cadho ka dhalatay barakicinta qoysaska iyo deegamaynta yuhuudda. Xiisadda ayaa mar horeba cakirneyd bil ka hor markii gacan ka hadal dhex maray dibadbaxayaasha iyo booliska qeybta ay ku badan yihiin Carabtu ee magaalada.

Maxaynu ka ognahay dagaalka?

Xamaas ayaa sheegtay inay gantaalo ku garaacday Tel Aviv iyo hareeraheeda si ay uga jawaab celiso "bartilmaameedsigii cadowga"

Muuqaalo laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya gantaallo sabbaynaya hawada habeennimadii, iyo qaar soo qarxaya maaddaama ay ku dhacayaan agabka iska caabbineed, ee gantaalka.Haweeney 50 jir ah ayaa lagu dilay gantaal Rishon LeZion, oo u dhow Tel Aviv, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Israel.

Xaafadda Tel Aviv ee Holon, gantaal ayaa ku dhacay bas madhan, afhayeenka booliska Israel Mickey Rosenfeld ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP. Gabadh yar oo shan jir ah iyo laba haween ah, oo mid 50 tahay midna 30, ayaa iyana lagu dhaawacay goobtaas.

Magaalada Tel Aviv lafteeda, dadka lugeynaya waxay u carareen gabbaad halka kuwa wax ka cunaya ay ka sii qulqulayaan maqaayadaha halkaas oo ku dhuumanayaan, halka kuwo kalena beerka dhulka ku hayaan xilli uu dhacayo dhawaaq sare oo sheegaya in xaaladdu cakirantahay.

Gegida diyaaradaha ee Ben Gurion ayaa si kooban u hakisay duulimaadyadii iyo dhuun shidaal oo u dhexeysa magaalooyinka Eilat iyo Ashkelon ayaa iyana wax gaadheen.

Gantaalaha ayaa la bilaabay ka dib markii la burburiyey Taawaarkii Hanadi ee Gaza, kaas oo ku yaal xafiis ay isticmaalaan hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas.Saacado kadib burburkii, wali lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah.

Israeli medics help a woman after a rocket hit a shopping centre in Ashkelon, southern Israel (11 May 2021)


Quddus maxaa xuddunta xiisadda ka dhigay?

Al-Aqsa waa magaca "qeybta sare ee qalinka ah" wuxuuna masaajidka uu ku yaalla dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaanaan masjidku al-Xaram al-Sharif, halka Yahuudana ay u garanayaan Macbad.Waxaa sidoo kale hay'adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsantay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa'iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

Muxuu muhim u yahay misaajidka Al-Aqsa?

Dadka Musliminta ah waxay Misaajidka Al-aqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta sadexaad ee Barakeysan.

Masjidka Al-Aqsa waxa uu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Maka.

Qaabkan casriyeynta dhismahan oo qarnigii 7-aad la sameeyay waxa ay Musliminta u rumeysan yihiin in Beytul Maqdis ay ahayd goobtii laga dheelmiyay Nabi Maxamed Nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Dadka Yahuudda ayaa dhankooda aaminsan in dhismahani uu yahay goobti mar uu ku yaallay Macbadkii Yahuudda, balse sharciga Yahuudda ayaa mamnuucaya in halkaasi la galo oo lagu cibaadeysto iyaga oo u arkaa goob barakeysan oo aan la gali karin.

Darbiga ku yaalla dhanka galbeed ee misaajidka oo ay Yahuuda u yaqaanaan Gidaarta Baroorta, ayaa la rumaysan yahay in uu yahay darbigii ka haray macbadkii Yahuudda.