Guddoomiye Cirro wuxuu masuul ka yahay kala jabka ku yimid guddigii doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi

0
Monday July 12, 2021 - 17:15:35 in by salman abdi
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro wuxuu masuul ka yahay kala jabka ku yimid guddigii doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi

    Guddoomiye Cirro wuxuu masuul ka yahay kala jabka ku yimid guddigii doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cirro wuxuu masuul ka yahay kala jabka ku yimid guddigii doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Maxamed Xasan Cirro inuu ka dambeeyo khilaafka iyo kala jabka ku yimid guddiga doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

Maareeye oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho isaga iyo xubno kamid ah guddiga, ayaa sheegay in guddiga doorashada gobolada waqooyi dano siyaasadeed awgeed loogu kala qeybiyay labo qeybood oo mid walbaa uu guddoomiye gaar ah doortay.

Xildhibaan Maareeye wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashada inuu doorasho hal dhinac ah u qabtay guddiga doorashada gobolada waqooyi, taasoo uu sheegay in ay keentay in doorasho hal dhinac ah ay meesha ka dhacday.

"Waxaan caddeynayaa in guddoomiyuhu illaa hadda u dhaqmay si masuuliyad darro ah oo aan kalsooni lagu qaban karin, waxaan raysal wasaaraha ka codsanaynaa inuu soo faro galiyo, uuna isugu yeero Cabdixaashi iyo Mahdi Guuled, lana fuliyo wixii heshiiska lagu ahaa" ayuu yiri Maareeye.

Heshiiskii 27ka May, ayaa dhigaya in guddiyada doorashada gobolada waqooyi ay soo kala magacabaan guddoomiyaha aqalka sare iyo raysal wasaare ku xigeenka, kadibna ay si wadajir ah u doortaan guddoomiye, balse arrintaas ma aysan dhicin.

Xubno kamid ah guddiga doorashada heer federal ayaa ka qeyb galay doorashada labada guddoomiye lagu kala dooranayay , sida uu sheegay xildhibaan Maareeye.