DHALINYAROOY MA KU MIDOWNAA DALLADA SYNA OO MA KA TASHANAA AAYAHEENA, MA ISKA ILOWNAA SONYO??

0
Tuesday March 11, 2014 - 09:56:20 in by Super Admin
  • Visits: 1834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHALINYAROOY MA KU MIDOWNAA DALLADA SYNA OO MA KA TASHANAA AAYAHEENA, MA ISKA ILOWNAA SONYO??

    Dallad magaceeda la yidhaa Somaliland Youth Network Awareness (SYNA) oo marka afsoomaali lagu macneeyo noqonaysa Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada somaliand, ayaa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallad magaceeda la yidhaa Somaliland Youth Network Awareness (SYNA) oo marka afsoomaali lagu macneeyo noqonaysa Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada somaliand, ayaa...

DHALINYAROOY MA KU MIDOWNAA DALLADA SYNA OO MA KA TASHANAA AAYAHEENA, MA ISKA ILOWNAA SONYO??


Dallad magaceeda la yidhaa Somaliland Youth Network Awareness (SYNA) oo marka afsoomaali lagu macneeyo noqonaysa Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka dhalinyarada somaliand, ayaa 3 sanno ka hor lagaga dhawaaqay Magaalooyinka Burco, Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo Gebiley iyo Borama, Dhalinyarada aasaasay dalladas oo isaga kala yimid goboladaas oo dhan ayaa kulamo xog urursi ah ka sameeyey dhalinyarada dalka, iyado xaflad loogu qabtay 2010 feb hotel emperial ee magaalada hargysa, waxana xarunta ugu weyn ee dalladas laga sameeyey Burco, halka xarumo kale oo si gaar ah u shaqaynaya oo maamulkeda lehna laga sameeyey gobolada dalka oo dhan, iyadoo marki dane wakiilo ku yelatay degmooyinka gobolada yaryar iminka noqday ee oodweyne, caynaba iyo kuwo kale.

Hadab dhalinyaradan aasaastay SYNA ee fikirkooda iyo maskaxdood ku keenay in loo baahan yahay dallad kale oo dhalinyarada isku xidha, midaysa isla markasna ka shaqaysa danahooda, ugana shaqaysa si ka duwan sida ay dallada sonyo uga shaqayso ayaa shaqooyinkoodii gaabis ku yimid sannadkii ugu danbeeyey kadib markii ay wada shaqayn iyo taageero toos ah ka waayeen hay’adaha ku hawlaha arrimaha dhalinyarada , kuwa dawliga iyo kuwa madaxa bannaan, dhalinyarada badan ee dalka iyo daafaha adduunka ku filiqsan, iyo dhammaan ururada ku hawlan arrimaha dhalinyarada.

Hadaba dhalinyrada Somaliland ee magacooda inta badan lagu macaashay, laguna lunsaday hantidii ugu badnayd halka qaar camal la’aan iyo darxumo ugu nool yihiin caasimada iyo dalka intiisa kale waxan talo ahaan ugu soojeedin lahaa oo baaqna ugu diri lahaa DHALINYAROOY MA KU MIDOWNAA DALLADA SYNA OO MA KA TASHANAA AAYAHEENA, MA ISKA ILOWNAA SONYO??

Haddii la rabo in dhalinyaro isku xidhnato oo wada shaqayso oo awood yeelato, aqoonteeda, kartideeda iyo firfircoonideedu ha isu keentoo dallada magacaas inoo samaysay aynu wada dhaqaajino oo xoojino, oo ka dhigno madal dhalinyartu ku so hiratoo oo aan cidna ka xaaraam sanayn , sida sonyo kootada u gashatay dallada ee dhalinyar dhowr qof oo sooc ahi u hor jogaan 11 sanno mid ka bedelan aynu ka dhigno, wan hubaa haddii magacas isku xidhka iyo wacyigelinta dhalinyarada la qaato in guushu imanayso e. oo sannad kadib ba la arki doono dhalinyar iyadu is gacan qabatay oo an dawlad iyo cidkale toona ubaahnayn oo isku filan , dhalinyarada qurbahuna ka soo noqon doonan qurbaha oo dib uga hawgeli doonaan dalke, waxan ogahay oo dhalinyarada dalkoo dhami ka markhaati kacayaan in kaalintii xukumaddu dhalinyaradu ku lahayd meel fiican gaadhsiisay balse innagu is dayacnay dhalinyaro ahaan wax walbana aynu ku eegnay urur 4qof horjoogan oo sonyo la yidhaa, iminka aynu soo jeedsano aynu ku baaqno shirweyne dhalinyaro oo qaran goblka aynu doono iyo meesha aynu doono aynu isugu nimaadno, qaadhan aynu iska ururino kana tashano masiirkeena si aan u sii samaysano dal aan wakhti dhow ugu shaqaysan karno uguna shaaqayn karno isago meel fiican la gaadhsiiyey dhalinyar iyo cid walba.

 

 




Wabilaahi tawfiiq

Mohmed ali faarah

Hargeysa /somaliland