Wayne Rooney Iyo Chamberlain Oo Guul U Horseeday England, Xili Ay England Gurigooda Ku Soo Garaacday Sctodland

0
Wednesday November 19, 2014 - 08:16:33 in by Burco Office
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne Rooney Iyo Chamberlain Oo Guul U Horseeday England, Xili Ay England Gurigooda Ku Soo Garaacday Sctodland

    Xulka qaranka qaranka England ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay xulka qaranka Scotland, kulankan oo ahaa mid saaxiibtinimo balse ay xamaasad badani ku dheehnayd ayay saddexda libaax ee England ayay Scotland gurigooda kaga soo gaadheen guul 3:1 ah. w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka qaranka England ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay xulka qaranka Scotland, kulankan oo ahaa mid saaxiibtinimo balse ay xamaasad badani ku dheehnayd ayay saddexda libaax ee England ayay Scotland gurigooda kaga soo gaadheen guul 3:1 ah. waxaana England goolasha u kala dhaliyay Wayne Rooney oo laba gool ah iyo Chamberlain oo goolka furitaanka England u saxiixay.




England ayaa marti u ahaa xulka qaranka ee Scotland, waxayna England doonaysay inay halkii ka sii wado qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ku jirtay barihihi ugu danbaysay. kulankan ayaana ahaa mid aad u xiisad badan waana sifo uu ku caan yahay kulanka kasta oo dhexmara xulalkan.

Daqiiqadii 32 aad ayuuAlex Oxlade-Chamberlain xulka qaranka England u dhaliyay goolka furitaanka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay England hogaanka ciyaarta ugu qabatay.Jack Whilshere ayaana caawiye ka ahaa goolka uuChamberlain xulka qaranka England u dhaliyay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay England ciyaarta ku hogaaminayso.chamberlain.JPG2

Laba daqiiqo kadib markii ciyaarta lagu soo laabtay ayuu kabtan Wayne Rooney xulka qarankiisa u dhaliyay goolka labaad ee kalsoonida, Rooney ayaana natiijada ciyaarta goolkaas ugu badalay 2:0 ay England hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.Goolkan ayaana ahaa goolkii 45 aad ee uu Rooney xulka qarankiisa England u dhaliyo wuxuuna sidaa ku dhaafayGreaves ku jiray kaalinta 3 aad ee kala saraynta gool dhalinta England.rooney

Waa goolkii shanaad ee uu ciyaartoy Enagland ahi madax kaga dhaliyo Scotland lixdii gool ee ugu danbeeyay waxayna kala yihiin Scholes, Welbeck, Lambert, Oxlade-Chamberlain iyo Rooney.

Daqiiqadii 83 aad ayay Scotland la timid goolka rajadeeda soo nooleeyay waxaana u dhaliyayAndrew Robertson, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali England hogaanka ku hayso.scot

Scotland oo daydayaysa goolka barbaraha ayuu markale Wayne Rooney ugu qubeeyay kadib markii uu ka dhaliyay goolka niyadjabka isla markaana kalsoonida u sii dheereeyay xulka qaranka England. Rooney ayaana daqiiqadii 85 aad xulka qarankiisa u dhaliyay goolkiisii 46 aad waayihiisa ciyaareed ee xulka England. Rooney ayaa todobadii kulan ee ugu danbaysay ee uu ku bilawday xulka England u dhaliyay 7 gool!!.Rooney2

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:1 ay England cashar ugu soo dhigtay xulka qaranka Scotland oo joogay gurigiisa. Wayne Rooney io Chamberlain ayaana xulka qaranka England u horseeday inay guushan gaadhaan kadib markii ay goolasha u kala dhaliyeen. waa kulankii lixaad oo isku xiga oo ay England badiso waxayna sanadkan 2014 ku soo gabagayeen guul ay ku raaxaysteen.

contact@afkashacabka.com