Luis Suarez Oo Doonaya In Steven Gerrard Uu Waayihiisa Ciyaareed Ku Dhamaysto Liverpool

0
Friday November 21, 2014 - 12:27:21 in by salman abdi
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luis Suarez Oo Doonaya In Steven Gerrard Uu Waayihiisa Ciyaareed Ku Dhamaysto Liverpool

    Weerar yahankii hore ee kooxda Liverpoor ee Luis Suarez ayaa aaminsan in kabtanka kooxda Liverpool ee Steven Gerrard uu waayihiisa ciyaareed ku dhamasyto kooxdiisa Reds, isagoo sababta ku sheegay in Gerrard oo kooxda qayb ka yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar yahankii hore ee kooxda Liverpoor ee Luis Suarez ayaa aaminsan in kabtanka kooxda Liverpool ee Steven Gerrard uu waayihiisa ciyaareed ku dhamasyto kooxdiisa Reds, isagoo sababta ku sheegay in Gerrard oo kooxda qayb ka yahay.

Steven Gerrard ayaa kulankiisii ugu horeeyay Liverpool usftay sanadkii 1998, waxaana soo maray waqtiyo lala xidhiidhinayay inuu kooxda ka tagaayo balse Gerrard ayaan illaa hadda koox kale u ciyaarin. Heshiiska uu Gerrard Liverpool kula jiro ayaa xagaaga danbe dhawacaa waxaana jira wadahadalo usocda isaga iyo Kooxdiisa Liverpool kaas oo heshiis cusub lagaga saxiixyo balse waxaa kale oo jira warar la xidhiidhana inuu kooxda ka tagi karo haddii ay Liverpool ku guuldraysato haddii ay ka heshiis cusub ka saxiixdo.steven

Luis Suarez oo saddex sano iyo badh ka soo garab ciyaaray Kabtan Gerrard ka hor intii uuna xagaagii dhawaa ku biiri Barcelona ayaa rajaynaya inuu kabtankiisii hore ku sii nagaado kooxdiisa hore ee Liverpool.Suarez iyo Gerrard ayay ka dhaxaysay saaxiibtinimo aad u qoto dheeri.suarez

 

Suarez ayaa yidhi: "Wax fiican ayay unoqonaysaa Steven iyo jamaahiirta fiican ee Liverpool in uu waayihiisa ciyaareed ku soo gabgabeeyo Anfield. Ma aha xidhiidh waligi burburi doona. Anigu waan aqaanaa Steven, waligiina ma doonayo inuu Liverpool ka tago. Liverpool waxay ka mid tahay Steven Gerrrard”.

Suarez

Suarez ayaa markale ku celiyay inuu Steven Gerrard ahaa qofkii ku qanciyay inuu Liverpool xili ciyaareed kale sii joogo wuxuuna yidhi: "Gerrard wuxuu ahaa sababtii ugu waynayd ee aan Liverpool u sii joogay hal xili ciyaareed oo dheeraad ah, waxaad dhagaysanaysaa sabirkiisa iyo jacalaylka uu kooxda u ahayo”

Contact@afkashacabka.com