Cali Khaliif Galaydh Oo Daaha Ka Fayday In Dawladda Soomaaliya Iyo Beesha Caalamku Dhabarka U Jeediyeen Kooxdiisa Khaatumo

0
Tuesday November 25, 2014 - 12:47:53 in by salman abdi
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Khaliif Galaydh Oo Daaha Ka Fayday In Dawladda Soomaaliya Iyo Beesha Caalamku Dhabarka U Jeediyeen Kooxdiisa Khaatumo

    Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa caddeeyay inay Dawladda Soomaaliya Dhabarka u jeedisay inay aqoonsato Kooxda uu hor-galaha u yahay ee Dhawaan ku caleemo saartay Deegaanka Sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa caddeeyay inay Dawladda Soomaaliya Dhabarka u jeedisay inay aqoonsato Kooxda uu hor-galaha u yahay ee Dhawaan ku caleemo saartay Deegaanka Saax-dheer, beesha Caalamkuna diiday inay u gacan-dhaafto arrimaha Gobollada uu sheegtay ee SSC Dawladda gacanta ku haysa ee Somaliland.


 

 

Dr. Galaydh oo muddooyinkan dambe ku sugnaa Dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale sheegay inay waji-gabax ku tahay diidmada iyo cago-jiidka madaxweynaha Soomaaliya ay kala kulmeen, waxaanu ku sababeeyey in Xasan Sheekh uu ku ixtiraamayo Somaliland wadahadallada u socda labada dal.

 

 

"Beesha Caalamku way ka dheregsantahay xaqa aanu u leenahay inaanu maamul samaysano, laakiinse waxay noo caddeeyeen in arrinta Khaatumo meesha ay ka dhaqaaqi la’dahay ay tahay Xamar, waxay nagu yidhaahdeen arrintiinu xamarbay ka dhaqaaqi la’dahay annaguna ma faro gelin karno arrimaha gobolladaas”ayuu yidhi Galaydh oo Waraysi dheer siiyay BBC-du.


 

Dr. Galaydh, isagoo sii sharaxaya caqabadaha uu kala kulmay dawladda Soomaaliya, kuna doodaya in xuquuq Dastuuri ah layska hortaagay, waxa uu yidhi "Haddii la qaatay Nidaam Federaal ah, oo la yidhi maamulo hala sameeyo, meesha Baarlamankii iyo hoggaankii dalku joogo ee loo baahan yahay in wax ka hagaagaan waa Muqdisho, tiibaad moodaa inayna waxba ka soconayn oo khaatumona si gaar ah looga diidan yahay, gobolladii kalena wali howshoodii wax badani ka khaldan yihiin”.

Cali Khaliif ayaa intaasi raaciyey "Dadka meesha joogaa waa dad Midnimada Soomaaliya raba, laakiinse waxaan aaminsanahay in Xasan Sheekh Maxamuud ka door bidayo wadahadalada u socda Somaliland oo uu isleeyahay waxay keenayaan inay Somaliland soo noqoto”. – " waxaan aaminsanahay inuu Xasan tix-gelinayo wada hadalada oo uu isleeyahay way bur-burayaan haddii aad Khaatumo ictiraafto, "waa laga yabaa inaan khaldanahay, laakiinse anigu waa sidaan aaminsanahay”.

Xukuumadda Somaliland, ayaa Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku eedeysay inuu colaad ka hurinayo Gobollada bariga, siiba Sool iyo Buuhoodle oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, halkaasoo laga caydhiyey Deegaamo marba mid xarun ka dhigtay.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa markii ugu dambeysay ka saaray Galaydh Deegaanka Saax-dheer oo wax yar u jirta Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee gobolka Sool, halkaasoo uu uga baxsaday dhinaca Gudaha Itoobiya, isagoo dhufays ka dhigtay Deegaan xadka ka talowsan.

Ilaa iyo markii ugu dambeysay ee Saax-dheer laga eryay, kuma aanay soo noqon maleeshiyaadkiisu gudaha Somaliland, inkasta oo uu mar madaxa galiyay Magaalada Buuhoodle oo uu dhinaca Itoobiya ka soo galay.

Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay ka hadlay sida uu u arko sheegashada Galaydh ee Maamulka Khaatumo, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in siyaasigan heer reysal-wasaare ka gaadhay dawladda soomaaliya uu ku soo noqdo hoggaamiye maamul-beeleed "Ismaan lahayn Ninka reysal-wasaare ka gaadhay Soomaaliya wuxuu ku soo noqon doonaa hoggaamiye beeleed, inuu kuwa Kuraasta ku fadhiya ku qabsato oo kula loolamo mooyaane” ayuu yidhi Saleeban Maxamuud Aadan oo shalay warbaahinta dalka la hadlay.



Contact@afkashacabka.com