Gabadha Layla Qabo Mid Aad Igaa Qurux Badan

0
Tuesday November 25, 2014 - 15:18:27 in by
  • Visits: 4908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadha Layla Qabo Mid Aad Igaa Qurux Badan

    Warfaa waa xaajigaygaa waxaan Is guursnay 1994 waxaan isu leenahay 8 caruur ah, 4 sano kadib warfa wuxuu ilaa guurday gabadh oo ilaa hada wuxuu ilaa qabaa gabdh aad igaa yar iga qurux badan iga firfircoon iganaa karti badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warfaa waa xaajigaygaa waxaan Is guursnay 1994 waxaan isu leenahay 8 caruur ah, 4 sano kadib warfa wuxuu ilaa guurday gabadh oo ilaa hada wuxuu ilaa qabaa gabdh aad igaa yar iga qurux badan iga firfircoon iganaa karti badan.

Gabdha laylaa qabo waa gabdh qurxoon oo dhinacaa ku haysa farxad iyo rayn rayn .

Gabdha laylaa qabo waxaa la siiya biil ka badan kan lay siiyo aniga iyo ubadkayga oo iyada malin faro madhanaan lugalama tago.

Gabdha layla qabo waxaa loo daneeya aad in ka badan intaa la daneeyo aniga iyo sideedayda caruurta ahba.

Gabdha laylaa qabo waxaa logu warwaraa in ka badan qoskayga oo lamaa ogola in ay saacad dhibaato dareento .

Gabdha la ilaa qaba waa fariid dumarka intaa dheer oo 4 lagu dhaafsado.

Gabadhani la ila qaba waa qanciya, raaliyo, gaari,

Gabdhan waxaa sidoo kale dhibteeda ilaa wadaaga in ka badan 80% dumarkaa dalka oo lala qaba iyagana.

Gabdhani waa mida sidaa ah lkn Hal dhaliil ayeey leedahay oo ah iyada wax uu ubada maba dhasho waa ma dhalays .

Dhibata gabadhani igu hayso waaa mid intaa ka badan waayo warfa markaa uu aqalka so galo qaylada, Buuq, iyo Caruurta oo marba mid la laado sida kuba ayaan ka dhamaan waaya aqalka sacadaha yare e uu joogo, warfa waxa uu ilaawa caruurtiisa daryeelkooda iyo canaha caruurta laga yaaba marmarka qaar inuu dhaho Hebel schoolka waa imisaad horta,

Gabdha la ilaa qaba waa gabdha cagaaran, Dadka qaarba waxbay ugu yeedhan qaar waxay dhahaan Miro, qaar Madhab , qaar Jibis iyo qaar kale oo aad faro badan IWM.

Gabadhan waxan oo magacyaa leh waa ta baabiisay qoysas badan oo Somali ah oo Calamka ku nool waxay noloshooda ka riday mugdi iyo murugo, murad Gabadhan waxay kala dirtay oo kal foogaysa Nin iyo Xaaskiisii aadka isku jecla ee ubadka quruxda badan wada eeganayeey. Gabadhan kala dishay Ilmo iyo Walidkood hada aan is arki Karin, Ala waxay baabiisay curaddo ay waalidkood ku fani jireen wax tar ka sugayeen oo ay marfashka uun fadhiisiisay, markaasay hadana Gaastari iyo qabsid ku riday, maxay hooyo aqalkeeda joogtay oo sharaf lahayd banaanka uu soo sartay oo ay xayadii miligihii iyo sharaftii madaxa ugu duubtay oo markaa aad argato adiga oohin kugu istaagta,

Gabadhani waa Aafo Calami,aafo qaran Hadaan macageede idiin sheeg waa shayga la dhaho geedka Cagaaran ee sumeyaha ah inooga yimaada dalka aaynu jaarka nahay sida Ethiopia ama Kenya waa Caleemaha Cagaaran ee Dadku ugu yeedho QAADKA ama JAADKA kolba sidaa loo yaqaano. Waa burburiyaha qoysaska, kala fogeeyaha dadka is jecel, cuqdadeeyaha Dhalinta soo kacaysa, baabiiyaha dhaqalaha Dalku leeyahay,Calentan Dadka qaarba qiil ayeey uu sameeyaan sida :-

·Shaqo la’aan baa jirta isaga oo helaya lacagta uu ku iibsanayo Caleentan malin kasta .

·Wakhiga ayaan isku dhaafiya isaga oo og qiimaha wakhtiga garanayana meelo ka fiican oo uu galin karo.

·Dalkaan nacay oo waan isku mashquulay isaga oo ay muuqato kun meelood oo uu ku mashquuli karo ugana faaiido badan.

Inta badan waxaan is waydiiyaa tolow dadku ma kula og yihiin dhibatadan oo way iska indho tirayaan mise waaba kaligaa. Qaadku wuxuu noqday reer reer dulsaran bulshooy xal keena sidii gabdhan looga furi laha gabadh kasta oo lala qabo lona badh qaban la dhalinta manta iyo qoysaska oo dhan

Aamina Nuux Yuusuf(aamina Zaria)

Burco Somaliland

………………………….. END