MAXAA ISKA BEDELAY KALA SAREYNTA GOOLDHALINTA HORYAALKA PREMIER LEAGUE?

0
Monday December 01, 2014 - 12:15:57 in by Burco Office
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA ISKA BEDELAY KALA SAREYNTA GOOLDHALINTA HORYAALKA PREMIER LEAGUE?

    Hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League waxba iskama bedelin ka dib markii la ciyaaray kulamadii 13aad ee horyaalka Ingariiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaanka gooldhalinta horyaalka Premier League waxba iskama bedelin ka dib markii la ciyaaray kulamadii 13aad ee horyaalka Ingariiska.

Sergio Aguero ayaa hogaanka u haya weli isagoo ku hogaaminaya 12 gool, waxaana uu ku guuldareystay inuu wax kale ku darro kulankii ay shalayto kooxdiisa kaga takhalustay kooxda Southampton oo ay ku soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka.

Xiddiga ku soo xiga waa weeraryahanka Chelsea kaasoo leh 11 gool isagoo sidoo kalena kari wayay inuu wax ku darro kulankii ay kooxdiisa barbaraha kala kulantay kooxda Southampton, iyadoo Chelsea ay lix dhibcood hogaanka kaga heyso Man City, Costa ayaanan awood u sii yeelan doonin inuu wax ku sii darro bartamaha isbuucaan madaama uu ganaax ku seegayo kulanka ay kala hortagayaan Tottenham.

Xiddiga kaalinta 3aad ku jira Alexis Sanchez ayaa isna weli fadhiya kaalinta 8aad ka dib markii Danny Welbeck uu noqday xiddigii guusha ku hogaamiyay Arsenal kulankii ay 1-0 kaga badiyeen West Brom. Charlie Austin ayaase soo galay kaalinta afaraad isbuucaan isagoo leh 7 gool ka dib markii uu kooxdiisa QPR gacan ku siiyay inay 3-2 kaga badiyaan kooxda Leciester City, waxaana ay isku goolal yihiin Saido Berahino oo shabaqa u soo taaban waayay West brom isbuucaan.

Afar xiddig ayaana min lix gool isla wadaaga oo kala ah xiddiga Swansea Wilfried Bony, xiddiga Tottenham Chadil, kan Southampton Pelle iyo kan West Ham Sakho.

Kala Sareynta Gooldhalinta Premier League:

# Magaca Kooxda Goolasha

1 Sergio Agüero Manchester City 12

2 Diego Costa Chelsea 11

3 Alexis Sánchez Arsenal 8

4 Charlie Austin Queens Park Rangers 7

4 Saido Berahino West Bromwich Albion 7

5 Wilfried Bony Swansea City 6

5 Nacer Chadli Tottenham Hotspur 6

5 Graziano Pellè Southampton 6

5 Diafra Sakho West Ham United 6

6 Christian Eriksen Tottenham Hotspur 5

6 Mile Jedinak Crystal Palace 5

6 Romelu Lukaku Everton 5

6 Wayne Rooney Manchester United 5

6 Leonardo Ulloa Leicester City 5

7 Papiss Demba Cissé Newcastle United 4

7 Mohamed Diamé Hull City 4

7 Steven Fletcher Sunderland 4

7 Eden Hazard Chelsea 4

7 Danny Ings Burnley 4

7 Nikica Jelavic Hull City 4

7 Steven Naismith Everton 4

7 Robin van Persie Manchester United 4

8 Gabriel Agbonlahor Aston Villa 3

8 Fraizer Campbell Crystal Palace 3

8 Ángel Di María Manchester United 3





Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com