Ururka SOYDA Oo Deeq Qalab Ah Gaadhsiiyey Xarunta Lagu Xanaaneeyo Xarunta Darbi Jiifka Ee Xaafada Maxamed Mooge ee magalada Hargaysa.

0
Thursday March 13, 2014 - 21:48:33 in by Super Admin
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka SOYDA Oo Deeq Qalab Ah Gaadhsiiyey Xarunta Lagu Xanaaneeyo Xarunta Darbi Jiifka Ee Xaafada Maxamed Mooge ee magalada Hargaysa.

    Ururka Samo Falka Ee SOYDA ayaa maanta xarunta lagu xanaaneeyo darbi jiifka ee Ku Taala Xaafada Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa ku wareejiyay deeq qalab hurdo iyo Hu ah oo ay u baahnaayeen ubadkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Samo Falka Ee SOYDA ayaa maanta xarunta lagu xanaaneeyo darbi jiifka ee Ku Taala Xaafada Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa ku wareejiyay deeq qalab hurdo iyo Hu ah oo ay u baahnaayeen ubadkaasi.

Ururkan ayaa waxaa u hore xarunta dhaqan celinta  caruurta darabi-jiifka ee maxamed mooge uu ugu wareejiyey 20 caruur darbi-jiif ah iyo agabakii ay u baahnayeen oo dhamays tiran sidoo kalana waxay maanta si rasmi ah ugu wareejiyeen xaruntaas  10 caruur darbi-jiif ah iyo alaabtii ay u baahnayeen .

Ugu horeyn waxaa madashaasi ka hadlay Agaasimaha cusub ee ururka  SOYDA mudane: KHALID IBRAAHIM ISMACIIL waxana uu sheegay in ay farxad weyn ay u tahay in ay maanta markii labad ay fadaxiya oo ah agaasimaha xarunta dhaqan celinta caruurta darbi-jiifka ah ay ku wareejiyaan caruur darabi jiif ah oo ay soo kaxayeen una soo qadeen dhamaanba waxii agab ah ee ay u baahnaayeen hadaba gudoomiyaha oo arimahan ka hadalaya waxa hadaladiisii ka mid ah "maanta waxaa aynu halkan u jooganaa in aynu  qalab ku wareejino Fadaxiya oo ah Agaasimaha xarunta dhaqan celinta caruurta derabi-jiifka ee maxamed mooge alaabtani waxay daba soctaa barnaamij ay fan garaysay  hayda SAVE THE CHILDREN oo loogu talo galay in wax loogu qabto caruurta darbi jiifka ah guud ahana sadex ujeedo ayuu leeyahay barnaajiku ta kowaadna waxaa weeye in caruurta darabi jiifka ah la soo eego oo laga war hayo,in lana siiyo waxii  adeeg ah ee loo qaban karo caruurtan .

hadii ay noqto mid cafimaad iyo mid wacyi galineed ba waxii ay u bahanyahiina la eego oo wax looga qabto markaa barnaamijkani wuu soo socaday qaybtii  hore oo 25 caruur hore ayaa xafiiska SOYDA uu ku wareejiyey xafiiskan maanata waxaa uu ku wareejinaya 10 caruur ah iyo dhamanba waxii qalab ama agab ah ee ay u baahnayeen"

Sidoo kale waxaa iyaduna dhankeeda ka hadashay Agaasimaha xarunta dhaqan celinta caruurta darbi jiifka ah ee maxamed mooge marwo FADXIYA SALEEBAAN X.AXMED  waxana ay sheegtay in ay aad ugu mahad celinayaso ururka SOYDA oo ay  ay ku sifaysay in uu yahay urur markasata wax u qabta carurta darbi jifka ah yadoo arimaas ka hadlaysana waxay tidhi”waxaan halkan aan aad ugu mahad naqayaa ururka SOYDA oo ah urur wax badan u qabtay caruurta darabi jiifka ah waxana aan leeyahay waad ku mahadsantiin wax qabtakan aad u qabateen caruurta darabi jiifka ah waana  aan idinka gudoomay agabkan isgu jira dharka,kaba furshdayada aad u sidaan caruurtan wanad mahadsantiin”

Si kasataba ha ahatee uruka SOYDa ayaa ah urur wax badan u qabta daryeelna caruurta darabi jiifka ah oo yagu u baahidoodu ay aad u badantahay waxana ay maanta ay noqonaysaa markii labaad ee ay garaaar u fidiyaan caruurta darabi jiifka ah eek u tabalaysan somailand


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com