Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Jiid-Jiiday Tottenham Oo marti Ugu Ahayd, Iyadoo Wali Sii xejisanaysa Hogaanka Horyaalka Iyo In Aan Hal Kulan Laga Badinin

0
Thursday December 04, 2014 - 08:45:19 in by Burco Office
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Jiid-Jiiday Tottenham Oo marti Ugu Ahayd, Iyadoo Wali Sii xejisanaysa Hogaanka Horyaalka Iyo In Aan Hal Kulan Laga Badinin

    Chelsea ayaa gurigeeda guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Tottenham oo marti ugu ahayd Stamford Bridge, Chelsea ayaa guushan ku gaadhay 3:0, waxayna goolsha ay guushan ku gaadhay uga mahad celinaysaa Hazard, Drogba iyo Remy. Kooxda Chelsea yaa gurig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa gurigeeda guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Tottenham oo marti ugu ahayd Stamford Bridge, Chelsea ayaa guushan ku gaadhay 3:0, waxayna goolsha ay guushan ku gaadhay uga mahad celinaysaa Hazard, Drogba iyo Remy. Kooxda Chelsea yaa gurigeeda Stamford Bridge ku soo dhawaysay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham, waxayna Chelsea doonaysay inay sii dheeraysato dhibcaha ay horyaalka ku hogaaminayso. Chelsea oo kulankii hore barbaro gool la'aan ah la gashay kooxda Sunderland ayaa sidoo kale doonaysay inay dib ugu soo labato tubta guusha.Chelsea ayaana kulankan Tottenham soo dhawaysay iyada oo aan hal kulan laga badin horyaalka waxayna ka fikiraysay inay arintaana sii xejisato.


Tottenham ayaa iyaduna doonaysay inay Chelsea gurigeeda guul horyaalka kaga gaadho markii ugu horaysay taariikhdeeda, Tottenham ayaana ku bilaabatay qaab ciyaareed fiican iyadoo bilawgii ciyaartaba weerar halis ah ku bilawday Chelsea, waxayna daqiiqadii 9 aad ku sigatay inay goolka furitaanka la timaado kadib markii uuKane Chelsea birta u garaacay. waxayna bilawgii ciyaartaba iska qasaariyeen fursado xaqiiqi ah.

Chelsea ayaa markaliya hurdada ka kacday, waxayna goolka kowaad la timid aqiiqadii 19 aad kadib markii uu gool qurux badan u dhaliyay Edin Hazard. Hazard ayaa kubbad u sii dhiibtay Drogba oo ku jira xerada ganaaxa Tottenham, Drogba ayaana kubbada u joojiyay Hazard, wuxuuna kubbad xoogan lugta bixid ugu darbeeyay goolka Spurs, sidaana wuxuu ku dhaliyay goolka furitaanka ee Blues.ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay

.hazard

Saddex daqiiqo oo kaliya kadib markiiDidier Drogba kooxdiisa Chelsea u dhaliyay goolka labaad, Drogba ayaa kubbad layaableh ka helay Oscar, wuxuuna Drogba kubbada ka dhex qaatay laba difaac oo Tottenham ah, wuxuuna Chelsea u dhaliyay goolka labaad isga oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Chelsea hogaanka ku dheeraysatay.drogba

Inkasta oo ay 15 kii daqiiqo ee bilawgii ciyaarta ay Tottenham halis badan ku haysay Chelsea ayay haddana Chelsea intaa wixii ka danbeeyay ciyaarta maamulkeeda la wareegtay waxayna qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:0 ay Chelsea hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Chelsea iska sii wadatay maamulida ciyaarta waxayna daqiiqadii 75 aad heshay goolka niyada ka dilay Tottenham, waxaana goolkaas u saxiixay Loic Remy oo ciyaarta badal ku soo galay isaga oo ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Chelsea hogaanka ugu raaxaysanayso.ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:0 ay Chelsea saddexda dhibcood kaga reebatay Spurs.

Chelsea ayaa sii dheeraysatay dhibcaha ay ku hogaaminayso isla markaana sii joogtaysay in aan wali hal kulan horyaalka laga badinin, waxayna wali lix dhibcood ka sii saraynaysaa kooxda Man city oo ku jirta kaalinta labaad taas oo iyaduna guul raaxo leh ka soo gaadhay kooxda Sunderland.

contactc@afkashacabka.com