
Taageerayaal Badan oo Ka Baxay KULMIYE Oo Ku Biiray Xisbiga WADDANI
Xaflad lagu soo dhaweeyay Taageereyaal Xisbiga Waddani ee ku soo biiray ayaa ka dhacday Caasimadda 2aad Ee waddanka UK magaalada Birmingham,
taasoo Taageerayaasha iyo Madaxda Waddani ee UK sameeyeen soo dhaweynta ka tirsanaan jiray Kulmiye iyo xaqsoor oo kasoo jeeda deegaanka Koonfurt Hargeysa iyo Hawd.
AFKASHACABKA
taasoo Taageerayaasha iyo Madaxda Waddani ee UK sameeyeen soo dhaweynta ka tirsanaan jiray Kulmiye iyo xaqsoor oo kasoo jeeda deegaanka Koonfurt Hargeysa iyo Hawd.
Waxa xafladaasi ka soo qayb-galay Hogaanka Sare ee Xisbiga Waddani Uk, Hogaanka Yurub, Laamaha Uk, iyo Xubno ka tirsan Wadani Heer Qaran.Taageerayaashan oo ay horkacayeen Abwaan Mawliid Aadan Qoqol iyo Mustafe Haaruun Cabdullahi oo ka mida Cuqaasha beelaha Deegaankaas dega ayaa dadkii ka hadlay waxay kooxda ku soo biiray ku qaabileen dareen furan iyo siyaasad debecsan.
Waxaa kale oo munaasabada dib u habeyn lagu sameynayey Laanta Waddani Birmingham , halkaasoo isla Aqoonyahan Mustafe loo Doortay Gudoomiyaha Cusub ee Wadani Midlands.
Dadka ka hadlay Xafladda waxa ka mid ahaa Odey Maxamuud Cismaan oo ka mid ah Odayaasha magaalada Birmigham, Farduus Hamashool (Fulinta Waddani Heer Qaran}, Intisaar Maxamed Cali Qoys Garabka haweenka, Odey Xasan Haaruun Gudoomiyaha, Siyaasada Waddani Uk Najiib, Siciid Bootaan oo ka mid ah madaxda Waddani, Gudoomiyaha Europe Cismaan Aw-Aadan Jamac Farax, Gudoomyaha UK Axmed Cali Naahi Iyo Gudoomiyaha Cusub Mustafe Haaruun cabdullahi, kuwaasoo dhamaantood isku waafaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii siyaasadda Xisbiga loogu fidin lahaa Qaarada Yurub.
Garabka Cusub iyo Gudiga Cusub ee la doortay ayaa sidoo kale lagu Ansixiyey, iyadoo Maxamuud Raage Ibrahim oo ka tirsan Fulinta Waddani heer qaran oo soo Afmeeray munaasabadan oo lagu doortayguddidan hoos ku qoran.
Gudoomiye Mustafe Haaruun Cabdullahi
Gudoomiye xigeen Keyse Cabdullahi
Xoghaye Fu’aad Caraale
Afhayeen Siciid Ducaale Codey
Xisaabiye Samsam Maxamed
Garabka Haweenka Intisaar Maxamed Cali Qoys
Garabka Dhalinyarada Muuse Dugsiiye
Xidhiidhka iyo Abaabulka Tayasiir Maxamuud
Madasha oo si weyn looga soo qayb galay, waxa aan la ilaawi Karin gudiga UK oo ay ka Mid ahaayeen Gudoomye Xigeen Daakir , Madaxa Siyaasada Najiib Maxamed Cisman, Madaxa Abaabulka Cabdullahi Dhegaweyne, Gudoomiye Mustafe Ciyow Bristol, Gudoomiyaha Milton Keynes Muna Xandulle, , Amaal Cabaade, Faaqir Daahir.
AFKASHACABKA
Birmingham, UK
Contact@afkashacabka.com
Taageerayaal Badan oo Ka Baxay KULMIYE Oo Ku Biiray Xisbiga WADDANI
Xaflad lagu soo dhaweeyay Taageereyaal Xisbiga Waddani ee ku soo biiray ayaa ka dhacday Caasimadda 2aad Ee waddanka UK magaalada Birmingham,