
Barcelona Iyo Manchester United Oo Wada Doonaya Mehdi Benatia & Miralem Pjanic.
Manchester United oo kali ku aheyd doondoonista labaddan xiddig ayaa haatan tartan xoogan kala kulmi doonta camaaliqada Catalonia Barcelona oo xiiseyneysa inay la soo saxiixdan labaddan ciyaaryahan marka uu dhamado xilli ciyaaredkan.
Tababaraha Manchester United David Moyes ayaa lala xiriirinaya inuu la soo saxiixan doono labaddan laacib balse haatan Barcelona ayaa dhanked kaga soo biirtay tartanka, xilli Paris Saint Germain iyo Tottenham ay doonayaan inay la soo wareegan kaliya kubda qaabeyaha Roma Miralem Pjanic.
Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helaayo Spain ayaa sheegaya in kooxda Barcelona ay diyaar u tahay inay Roma u gacan geliso lacagaha ay labaddan xiddig ku fasaxi karaan si xagaaga ay ugu soo dhaqaaqan Camp nou, balse Barca ayaa cadaadis xoogan kala kulmi doonta Manchester United, Tottenham iyo Paris Saint Germain.
Barcelona Iyo Manchester United Oo Wada Doonaya Mehdi Benatia & Miralem Pjanic.
Barcelona iyo Manchester United ayaa wada doondoonaya daafaca dambe Ee kooxda Roma Mehdi Benatia sido kale xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Roma Miralem Pjanic, sida ay daabacday talk Sport.