Waa Kuma Xidiga Xili Cayaareedkan Bayern Munich Kulan Walbo U Saftay!

0
Sunday December 14, 2014 - 15:45:37 in by Burco Office
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Xidiga Xili Cayaareedkan Bayern Munich Kulan Walbo U Saftay!

    Juan Bernat xagaagan ayuu Bayern Munich kusoo biiray waxayna kooxda reer Jarmal xidigan dhalinta yar 10-milyan oo euro ah kaga soo iibsatay naadiga Valencia. Laacibkan ka cayaaro garabka bidix ee daafaca waxaa Bayern kusoo biiriyay macalin Pep Guard

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juan Bernat xagaagan ayuu Bayern Munich kusoo biiray waxayna kooxda reer Jarmal xidigan dhalinta yar 10-milyan oo euro ah kaga soo iibsatay naadiga Valencia. Laacibkan ka cayaaro garabka bidix ee daafaca waxaa Bayern kusoo biiriyay macalin Pep Guardiola oo uu qorshihiisa ahaa inuu xidigan u noqdo badal wanaagsan.


Balse Juan Bernat wuxuu ka mid noqday xidigaha Bayern joogtada ugu cayaaraan weliba 21-jirkan ayaa noqday laacibkan kaliya ee xili cayaareedkan Bayern u saftay kulan walbo dhamaan tartamada kala duwan.

Wuxuuna ilaa haatan kooxdiisa u saftay dhamaan 24-kulan oo ay cayaartay (15-kulan Bundesligaha, 6-kulan Champion-ka, 2-kulan DFB Pokal iyo 1-kulan German Super Cup)

Macalin Pep Guardiola oo la yaaban sida uu xidigan Bayern ula qabsaday wuxuu yiri "waan ogaa inuu Bernat yahay laacib wanaagsan, balse waan la yaabanahay asigoo 21-jir ah iyo sida uu kubada u cayaarayo”

"Juan waa xidig orod badan sidoo kalena kubada ku dagaalamo aniga waan ku faraxsanahay inuu kulan walbo bandhig wanaagsan sameeyo wuxuuna la yimid intii aan ka fileenay in ka badan!”

Juan Bernat wuxuu kusoo bar baaray xarunta naadiga Valecnia wuxuuna u saftay 74-kulan asigoo u dhaliyay 3-gool sidoo kale xidigan dhalinta yar bishii October ee isla sanadkan ayaa loogu yeeray xulka Spain wuxuuna xulkiisa u saftay ilaa haatan 2-kulan sidoo kalena 1-gool ayuu u dhaliyay. contact@afkashacabka.com