Sampdoria Oo Taako U Dhigtay Juventus Barbardhaca ku Kula Baxeen

0
Sunday December 14, 2014 - 16:58:28 in by Burco Office
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sampdoria Oo Taako U Dhigtay Juventus Barbardhaca ku Kula Baxeen

    Manolo Gabbiadini ayaa guul u diiday Juventus kulan ka dhacay Juventus Arena madama uu gool barbardhac ah u keenay kooxdiisa Sampdoria qeybtii dambe ciyaarta wuxuuna barbareeyay gool uu bilowgii ciyaarta dhaliyay Patrice Evra. Alvaro Morata ayaa u d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manolo Gabbiadini ayaa guul u diiday Juventus kulan ka dhacay Juventus Arena madama uu gool barbardhac ah u keenay kooxdiisa Sampdoria qeybtii dambe ciyaarta wuxuuna barbareeyay gool uu bilowgii ciyaarta dhaliyay Patrice Evra. Alvaro Morata ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Juventus daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta markii uu madaxeeyay kubad karoos aheyd oo ka timidLichtsteiner.

Patrice Evra ayaa dhaliya goolkiisii ugu horeeyay Juventus tan iyo markii uu kusoo biiray kadib markii uu madaxeeyay koorne ka timid Claudio Marchiso daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta.

Claudio Marchisio ayaa u dhawaaday inuu hogaanka u dheereeyo Juventus daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta kadib markii uu uu kubad xoogan goolka ku tuuray isagoo adeegsanaya lugta bidix, balse goolhaye Sergio Romero ayaa ka diiday.

Goolhaye Buffon ayaa laba jeer badbaadiyay isku day ay Sampdoria ku dooneysay iney gool barbaro ah ku hesho isagoo sameeyay iska caabin wanaagsan.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda martida loogu ahaa gurigeeda ee Juventus, balse qeybtii dambe ayaa la isku soo laabtay.

Sampdoria ayaa heshay gool barbardhac ah oo ay aad uga soo shaqeeyeen, waxaana lugta bidix si qurux badan goolhaye Buffon kubada ugu daba marsiiyay Manolo Gabbiadini daqiiqadii 50-aad ee ciyaarta.

Arturo Vidal ayaa madaxeeyay kubad uu gool ugu raadiyay kooxdiisa taasoo ka timid Preyra daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta, balse ma haleelin gooshii kor ayuuna iska mariyay.

Manolo Gabbiadini ayaa u dhawaaday inuu dhabar jabiyo Juventus markii uu kubad xoogan goosha la beegsaday, balse goolhaye Buffon ayaa si aan caadi aheyn u badbaadiyay daqiiqadii 84-aad ee ciyaarta.

Juventus ayaa sameysay isku dayo badan oo ay gool ku raadiyeen balse uma suuragalin waxaana ugu dambeyntii ay ciyaarta kusoo dhamaatay barbaro 1-1.

contact@afkashacabka.com