Qoysas danyar ah oo khaati ka taagan dad ay sheegeen in habeen walba ay guryahood bulasha ah ay gubaan iyo baaq ay xukuumadda u direen

0
Monday March 17, 2014 - 10:00:05 in by Super Admin
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoysas danyar ah oo khaati ka taagan dad ay sheegeen in habeen walba ay guryahood bulasha ah ay gubaan iyo baaq ay xukuumadda u direen

    Qoysaskan oo ku nool guryo yaryar oo ka samaysan buulal ama cooshado ka samaysan baco iyo karaatoon, ayaa ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoysaskan oo ku nool guryo yaryar oo ka samaysan buulal ama cooshado ka samaysan baco iyo karaatoon, ayaa ...

Qoysas danyar ah ku dhaqan kaam ku yaalla bariga Magaalada Hargeysa, isla-markaana ku nool guryo yaryar oo ka samaysan buulal ama cooshado ka samaysan baco iyo karaatoon, ayaa cabasho xoog leh ka muujiyey dad ay sheegeen inay si joogta ah u gubaan guryahooda oo dab la daba jooga, waxayna sheegeen in habeen walba ay soo kacaan guryahooda oo gubanaya iyo carruurtii oo ka sastay.


Dadkan oo shalay qaar ka mid ah  saxaafaddu bookhatay, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay deggan yihiin sheeganayaa ay ka dambeeyaan gubista guryahooda, waxayna baaq u direen xukuumadda, waxayna codsadeen in arrintan wax laga qabto.


 

 

Guddoomiyaha dadka danyarta ah ee halkaasi ku dhaqan, Maxamuud Cali Haybe, ayaa sharaxaya dhibaatada haysata, waxaanu yidhi "Dadkan Waxaa la gubay tiraba Saddex Jeer, shan iyo labataan gurina way dunsan yihiin, Arrintana waxaa ka danbeeya uun dadka deegaanka ah iyo dad kale oo xaalad abuur ah, arrinkana wuxuu soo socday ilaa 12 bilood, waxaanu Xukuumadda Somaliland iyo Booliskaba ugu baaqaynayaa in tallaabo laga qaado dadka waxan samaynayaa, dadkani waa dad tabaalaysan oo u baahan in wax la taro oo wax loo qabto, waxaana leenahay dambiilayaasha waxaan samaynayaa deg-deg wax ha looga qabto”


 

Guddoomiyaha oo la waydiiyey sababta ay xeradan u deggan yihiin, maadaama oo ay yihiin dalka u dhashay ayaa yidhi "Waxaa halkan na keentay waa dan, waxaanan daganahay Muddo Saddex Sanno ah, waxaan leeyahay iska daa waxaanu cunee naftayadii ayaa imika halis ku jirta, guryahaygii ayaa hadhcad la gubayaa,cid gubaysana garan mayno, guryahaygii aanu Saddexda Sanno ku jirnay ayaanu qaawanaan ka taaganahay”




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com