Hordhac: Liverpool vs Arsenal: Iyo Meelaha Ay Kula Badin karaan

0
Sunday December 21, 2014 - 12:00:10 in by salman abdi
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool vs Arsenal: Iyo Meelaha Ay Kula Badin karaan

    Garoonka Anfield Road ayaa soo dhaweyn doona kulan culus oo dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Arsenal inkastoo labada kooxood ay haatan ku jiraan kaalmo aan looga baran. Liverpool waxey fadhisaa booska 12-aad halka Arsenal ay fadhiso booska 7-aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka Anfield Road ayaa soo dhaweyn doona kulan culus oo dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Arsenal inkastoo labada kooxood ay haatan ku jiraan kaalmo aan looga baran. Liverpool waxey fadhisaa booska 12-aad halka Arsenal ay fadhiso booska 7-aad waxaana u dhaxeeya farqi 5-dhibcood ah. Liverpool waxey la dhibtooneysaa weerar la'aan, halka Gunners ay la dhibtooneyso daafac la'aan. Alexis Sanchez ayaa ka hor imaan doona Liverpool iyadoo Branden Rodgers uu ka shalaayay in xidigaan reer Chile ay waayan kaas oo si xowli ah ula qabsaday horyaalka Ingiriiska inkastoo uu ku dhawaaday inuu ku biiro Liverpool ka hor Arsenal. Si Kastaba ha ahaate Liverpool waxey xili ciyaareedkii hore Anfield guul muhiim ah kaga gaartay Arsenal, waana dhacdo ilaa haatan aan ka go'in maskaxda Jamaahiirta Gunners.


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka:Liverpool vs Arsenal

Tartanka:FA Premier League

Garoonka:Anfield Road

Saacadda:7:00 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Liverpool ayaa weyneysa weeraryankeeda reer England Daniel Sturridge kaas oo inta badan dhaawac kaga maqnaa xagaagan, sidoo kalana Balotelli ayaa ganaax iyo dhaawac isku darsaday, sidoo kalana Lovren ayaa isna shaki la galinayaa halka Glen Johnson inta sanadka ka dhiman uusan ciyaari doonin halka Falanagan iyo Suso ay mudo badan ka maqan yahiin kooxda.

Kulankaan waxaa shaki la galinayaa iney saftaan Chamberlain iyo Walcott inkastoo ay tababarka ka qeyb qaateen sidoo kalana Ramsey iyo Monreal ayaa iyaguna rajo yar qaba. Koscielny waa dhaawac, halka Arteta iyo Rosicky ay kasoo laabteen dhaawacyo yaryar oo ay qabeen. balse Jack iyo Mesut ayaan sinaba uga soo muqan doonin kulankaan.

MA OGTAHAY:

Liverpool waxey Arsenal garaacday kaliya laba jeer 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay labada kooxood ku kulmaan EPL-ka.

Lixdii kulan ee ugu dambeysay oo Anfield Lagu ciyaaray waxaa jirta afar jeer in goolal waqti dambe ah la iska dhaliyay.

Waa labada kooxood ee ugu badan ee iska dhaliyay sadexleyda marka la eego kooxaha kale ee EPL-ka (5-sadexley ayeyna iska dhaliyeen).

Kulanki xasuuqa ee 5-1 lagu garaacay Arsenal wuxuu soo afjaray lix kulan oo aysan Anfield Liverpool kaga badin Arsenal.

Alexis Sanchez kaliya Sergio Aguero ayaa ka badan goolasha laga qeyb qaatay madama uu 17-gool ka qeyb qaatay halka Sanchez uu isna ka qeyb qaatay 14-gool,

LINE UPKA MACQUULKA AH:

LIVERPOOL:Jones; Toure, Skrtel, Lovren, Moreno; Henderson, Gerrard, Lucas; Coutinho, Lallana, Sterling

ARSENAL:Szczesny; Chambers, Debuchy, Mertesacker, Gibbs; Flamini, Cazorla; Oxlade-Chamberlain, Sanchez, Welbeck; Giroud

contact@afkashacaabka.com