Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Inay Xagaaga Dalab Ka Gudbiso Xiddig Qadka Dhexe Uga Ciyaara RealMadrid.

0
Thursday February 06, 2014 - 07:36:08 in by Super Admin
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Inay Xagaaga Dalab Ka Gudbiso Xiddig Qadka Dhexe Uga Ciyaara RealMadrid.

    Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Inay Xagaaga Dalab Ka Gudbiso Xiddig Qadka Dhexe Uga Ciyaara RealMadrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal Oo Isku Diyaarineysa Inay Xagaaga Dalab Ka Gudbiso Xiddig Qadka Dhexe Uga Ciyaara RealMadrid.

Arsenal ayaa diyaar u ah inay dalab rasmi ah xagaaga ka gudbiso xiddiga da’ada yar Ee xulka Spain iyo kooxda Real Madrid Isco, kadib markii ay Real kala soo wareegen Ozil xagaaagi hore ayuu Arsene Wenger aaminsanyahay inay la soo wareegi karaan laacibkan diyaarna uu u yahay dhamadka xilli ciyaaredkan inuu soo gabagabeeyo heshiiska uu kula soo wareegayo Isco.

Isco ayaa Real Madrid ku soo biiray xagaagi hore bisha June isagoo ka soo dhaqaaqay Malaga lakiin 24 jirkan ayaa ka dalbaday Carlo Ancelotti inuu waqti dheeraad ah ciyaaro balse taa badalkeda xiddigan ayaa la saxiib noqday keedka Real Madrid.

Xiddigan oo aan raali ku aheyn inuu kursiga keydka fadhiyo, sido kale waxa ayaa la hadal hayaa laacibkan inuu ku fikirayo suurta galnimada uu uga tagi karo Los Blancos iyadoo tababarihisii hore Manuel Pellegrini uu xiiseynayo inuu xiddigan ku soo biiriyo kooxdisa City.

 

Arsenal ayaa ku rajo weyn inay City kaga guuleysan doonto Isco, xiddigan oo ciyaaray 15 kulan La Liga lakiin aanu boos ka heysan kooxda line-upka Ee Champions League sidaa darteed uu doonayo inuu isaga tago, dhanka kale Arsene Wenger ayaa og in xiddigan lacago badan ku fadhiyo balse uu diyaar u yahay inuu Isco ku soo biiriyo da’a yartisa Emirates.

Wenger ayaa sida muuqata xiiseynaya saxiixa Isco isagoo doonaya inuu xiddigan u adeegsado weerarka tooska Ee kooxda  isagoo u arka Ozil iyo Cazorla inay ku filan yihiin kubad abuurista uuna doonayo inuu Isco ka dhigo weeraryahan toos ah.