War deg deg ah: Guri goor dhoweyd ku shuf beelay xaafadda maxamed cali + xildhibano iyo Dabdamiska Dawladda hoose oo u soo gurmady (Daawio Sawirada)
War deg deg ah: Guri goor dhoweyd ku shuf beelay xaafadda maxamed cali + xildhibano iyo Dabdamiska Dawladda hoose oo u soo gurmady (Daawio Sawirada)
waxa Goordhaweyd Dab qabsaday guri ku yaala xafada maxamed cali gaar ahaan agagarka suqa nafao dabka kacay gurigan ayaa la sheegay in aan wax khasaara nafeed ah ka dhicin
Iyadoo Bakhtiinta Gurigana ay usoo Gurmadeen xubno kamida Xildhibanada Golaha Deeganka ee Degmada Burco iyagoo horkacayey Gaadhiga Dabdamiska ee Dawladda Hoose waxana lagu guulaystay in la bakhtiiyo Gurigaasi.
Dadkii ka ag Dhowaa Guriga gubtay ayaa iyagu sheegay inaanay garanaynin waxa dhaliyay Dabkaas, balse waxa loo malaynayaa in dabkani ka dhashay shoodh had iyo jeer ka dhasha korantada laga isticmaalo magalada.
Shirkadaha laydhka ayaan iyagu wax talaabo ah oo lagaga hortegeyo ka qaadin had iyo jeer Shilalka Noocan ah ee ka dhaca magaalada Burco, Maayar kuxigeenka Degmada Burco Muxumed Xasan Xoday, Xildhiban Mubarik Bidhi, iyo xildhiban Kayse Abdi Rage oo ahaa masuliyntii usoo gurmaday Bakhtiinta Gurigan ayaa ka hadlay arrinta gubashada gurigan waxayna umahadceliyeen Shirkadda Dahabshiil oo bay yidhaahdeen ah shirkadda dawlada hoose ku caawisay dab damiskan, iyago Bulshada ka qayb qaadatay Bakhtiinta Dabkana uga mahad celiyey gurmadka ay u fidiyeen qoyskani gurigu ka gubtay.
Gurigan oo carruur yaryari joogtay ayaa markii dabku ka Dhashay ka yaaceen carruurtii waxase wax badani ka soo gaadheen alaabtii guriga iyo guud ahaanba wixii dhex yiilay gurigaas oo aan midh laga saarin.
Maaha markii u horeysay ee shil noocan oo kale ahi ka dhaco magalada Burco , dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale guri ugu gubtay magaalada inkastoo aanay hore u heli jirin dab damis markaa bakhtiiya guriga gubtay ayaa iminka waxa ugu muhiimsan ee kaalinta mugga leh ka qaatay uu ahaa dabdamiska gobolka iyadoo muddo badan burco ahayd bilaa dabdamis.
Afkashacabka.com
Burco /Office
Contact@afkashacabka.com
HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA GURIGA DABKU QABSADAY