Sheekha wayn ee Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo ka ka sheekeeyey Aqoontuu u lahaa Marxuum M A Kuluc

0
Sunday January 18, 2015 - 19:55:52 in by Burco Office
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekha wayn ee Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo ka ka sheekeeyey Aqoontuu u lahaa Marxuum M A Kuluc

    Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan, oo hadda ka mid ah Culimada dalka, ayaa waxa uu ka waramay aqoonta uu u lahaa ALLE ha u naxariiste Maxamed Axmed Kuluc oo ay fanka ku wada jiri jireen, ka hor intii aanu Sheekh Sooraan ka bixin, waxaanu ka waramay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan, oo hadda ka mid ah Culimada dalka, ayaa waxa uu ka waramay aqoonta uu u lahaa ALLE ha u naxariiste Maxamed Axmed Kuluc oo ay fanka ku wada jiri jireen, ka hor intii aanu Sheekh Sooraan ka bixin, waxaanu ka waramay aqoontii uu lahaa, inta Caruur ah ee uu Ifka kaga tagay, waxaanu sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu Marxuumka ka toobad keenay Heesihi iyo fankii uu ku jiri jiray, isla markaana uu soo xajay.

Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale Bulshada ugu baaqay inay iska dayaan qaadista iyo dhegaysiga Heesaha oo uu dambi iyo xaaran ku tilmaamay, waxaanu ugu baaqay inay ku dadaalan akhrinta iyo dhegaysiga Quraanka, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay "ALLE ha u naxariiste Marxuum Maxamed Axmed Kuluc,waxa uu ahaa muddooyinkii ugu dambeeyey Xaaji soo xajay, oo waajibaadka Xajka soo gutay, waxa uu ka toobad keenay iskana dhaafay Heesihii iyo fankii uu ku jiri jiray, waxa uu ahaa Adoon ILLAAHAY oo Shanta Wahkti ee Salaadiisa tukada, isaga oo toobad keenayna xaqii uu u yimid.

Marxuum Axmed Maxamed Kuluc waxa uu ifka kaga tagay Todoba Caruur ah, waxaana ILLAAHAY ugu baryayaa inuu u naxariisto oo Janada galiyo, samir iyo imaana uu inaga siiyo”

Sheekh Sooraan oo Bulshada ugu digaya dhibaatada Heesaha ayaa yidhi "Aniga iyo Maxamed Axmed Kuluc wakhtigii Fanka dhalinyaro-nimo ayaa na qaaday, balsé waanu ka toobad keenay, waxaanan Bulshada uga digayaa khatarta iyo dambiga Heesuhu ay leeyihiin, Heesaha iyo Muusigu waa Xaaran, Nafta iyo Shaydanka ayaana jecel, markaas inaynu nafta xakamo ku xidhno oo aynu u diidno waxa ay jeceshahay iyo waxa uu Shaydaanku la jecel yahay oo ah Naar ayaa wanaagsan, inaynu ku dedaalno akhrinta Quraanka iyo dhegaysigiisa ayaana wacan, oo Ajar iyo Xasaanad aynu ILLAAHAY kaga helaynaa”

Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Qof walba wuu dhimanaya, cidina Adduunyada ku waari mayso, ee aynu ALLE ka cabsiga, cibaadada iyo oogida salaada ku dadaalno, oo aynu Shaydaanka ka cadhaysiino, ILLAAHAYNA ka farxino ayaa haboon, maxa yeelay qof walba camalkiisa iyo waxa uu shaqaystay ayaa raacaya, markaas ILLAAHAY camalkeena ha wanaajiyo
cabdirisaaq koronto
Hargeisa/Office
Afkashacabka.com