
Mourinho Oo Layaaban Xaalka Real Madrid Ee Xili Ciyaareed Kan:"Waxaan Filaayay In Real Madrid Ay Ka Saramari Doonto Kooxaha Kale".
Dhanka kale Mourinho ayaa isbar bar dhig ku sameeyay horyaalka Spain iyo kan ingiriiska wuxuuna sheegay in horyaalka ingiriisku uu yahay mid adag oo aan fududayn inaad ku guulaysato halka kan Spain uu ku tilmaamay mid u dhexeeya laba koox.
"Waan yaabanahay xoogaa.. waxaan filaayay in Real Madrid ay kasara mari doonto kooxaha kula tartamaya horyaalka xili ciyaareed kan, wayo Barcelona waxay lumisay dhibco badan marka loo fiiriyo 3dii sano ee lasoo dhaafay” ayuu u sheegay Mourinho EuroSport.
Mourinho ayaa isbar bar dhig ku sameeyay labada horyaal ee England iyo Spain wuxuuna yiri:"Horyaalka ingiriisku wuxuu leeyahay afar koox kuwaas oo ku tartamaya hanashada horyaalka, halka horyaalka Spain uu ka dhexeeyo kaliya laba koox ama seddex koox kuwaas oo ay u dhexayso 2 ilaa 3 dhibic”.
"Dadku waxay u barteen sanadihii u danbeeyay in tartanka horyaalka Spain uu ka dhexeeyo laba koox lakiin hada wuxuu noqday 3 koox”.
Markasta Kale Soco ciyarahi Udanbayay
Afkashacabka.com
Contact@afkashacabka.com
Mourinho Oo Layaaban Xaalka Real Madrid Ee Xili Ciyaareed Kan:"Waxaan Filaayay In Real Madrid Ay Ka Saramari Doonto Kooxaha Kale".
Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka hadlay kooxdii sii hore ee Real Madrid wuxuuna sheegay inay layaab ku tahay in Real Madrid aysan ku guulaysan horyaalka Spain xili ciyaareed kan.