NOQON MAAYO XAASID!!!!( I WILL NOT BE JEALOUS)!!! WQ: C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

0
Monday March 09, 2015 - 15:17:01 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NOQON MAAYO XAASID!!!!( I WILL NOT BE JEALOUS)!!! WQ: C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

    Xaasidnimadu waa Cudur ku dhaca dadka qaarkood,waana sifo xun oo bulshooyinka dhib iyo hagardaamo u keena…waa shay dadka oo dhammi madow iyo ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaasidnimadu waa Cudur ku dhaca dadka qaarkood,waana sifo xun oo bulshooyinka dhib iyo hagardaamo u keena…waa shay dadka oo dhammi madow iyo ...

caddaan ka mideysanyihiin in ay tahay;Sifo aad iyo aad u xun.waa shay ay diiday Diinta-Islaamku, waxana Qur’aanka lagu soo daray seddex Suuradood oo la iskaga ilaaliyo sharka Xaasidka iyo Xilliga uu wax Xaasidaayo.!!!!Maqaal uu qoray Alla ha u naxariistee; M.M.Kastan wakhti ku beegneyd 2004 tii,sidaan filaayo..ayaa waxa uu cinwaan uga dhigay(Xaasidoow Daawo kuuma Hayo)..waxana uu kaga sheekeeyey Xaasidnimada iyo dhibteeda….dabadeed isaguna waxa maqaalkaas muddo ka dib ka soo jawaabay ninDhakhtar Cilmi-Nafsiga bartay oo la yidhaahdo:(Mustafe Maarshaaloo daggan dalkaasi Denmark,Waxana uu qoray Maqaal cinwaankiisu ahaa:( Waxaan helay dawadii xaasidka)!..waxa uu yidhi:(waxa ay tahay in aan la daweyn Xaasidku marka uu bukoodo,si uu xanuunka u dhadhamiyo oo dabadeed uu u yidhaahdo): (Waar Ilaahay Ciddu doono wax ha siiyee,aniga yaa caafimaadkeygii ii soo celiya!!!).Qofka Xaasidka ahi,waa qof xanuunsanaaya oo ka xanuunsanaaya:Nimcadaas ilaahay dadkiisa u qaybinaayo ee maalinlaha ah,Waxa uu jeclaan lahaa in ilaahay isaga uun wax siiyo oo dadka oo dhammi ayna waxba ka soo gaadhin nimcaddaas,waxana uu jeclaan lahaa in uu ilaahay dadkaas oo dhan ka soo qaado nimcada uu siiyo oo uu isaga uu ku kobo!!!!mushkiladda haysta xaasidkuna waxay tahay,Dagaal uuna guul ka gaadhayn ayuu ku jiraa habeen iyo maalin.

Sheekh Tafsiirka ka dhigi jiray Masjidka Ina-Weerar ee magaalada Hargeysa,oo magaciisa la yidhaahdo:(Sheekh Ismaaciil Cabdillaahi) ayaa waxa uu ku sifeeyey Xaasidka in uu yahay (Mucaaridka-Ilaahay) oo waxa uu yidhi:(waxa uu ka soo horjeeda Nimcada ilaahay siinaayo addoomihiisa).Hadaba,sifadaasi xaasidnimadu waa sifo iyo hab-dhaqan aad iyo aad u liita..had iyo goor dadkaasi sifooyinkaasi lihi horomar kama gaadhaan nolosha,taariikhdana kumaga galaan wax fiican.

ujeedooyinkooduna uma hirgalaan…..Xaasidnimaduna way noocyo badan tahay..oo waxa jira arrimo badan oo qofka lagu xaasidi karo oo ay ka mid tahay:

 

-Cilmiga.

-Akhlaaqda.

-Hibada.

-Quruxda.

-Diinta.

-Maalka.

-Ubadka.

Iyo arrimo kale,hadaba waxaan kula talinayaa akhristayaasha in ay iska ilaaliyaan sifadaasi,oo ay ka fogaadaan Qofka ay ku dareemaan in uu yahay(Xaasid)!!!

 

Qore:C/casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macallin dhiga luuqadda ingiriisiga/Aqoonyahan School for English.

Email: ansaari25@hotmail.com/Tel: 063 4175733.Hargeysa,Somaliland.