War Deg Deg Ah:Xoogagga Ahlu Sunna oo saakay la wareegay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud

0
Sunday June 07, 2015 - 12:11:51 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Xoogagga Ahlu Sunna oo saakay la wareegay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud

    Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay gacan ku heynta degmada la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay gacan ku heynta degmada la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.


Sida ay Afkashacabka goob-joogayaal xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljameeca oo ka soo duulay degmada Guri-ceel, ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidammada dowladda ee degmada Dhuusa-mareeb.

Dagaallka xoogiisa ayaa la leeyahay waxaa uu wali ka soconayaa qeybo ka mid ah degmada, gaar ahaan guriga guddoomiyaha gobolka Xusseen Cali Weheliya Cirfo, inkastoo dhamaan xaafaddaha ay degmada ka kooban tahay la wareegeen xoogagga Ahlu Suna.

Weerarka Ahlu Sunna ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay ku qaadaan degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, halkaa oo xarun u aheyd mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Galguduud.

Xoogagga Ahlu iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degmada Guri-ceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay, waxaana jiray heshiis ay wada galeen Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga, kaasoo lagu soo afjarayay dagaalka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kula socon doontaan Afkashacabka.com


Contact@afkashcabka.com