
JIDH IYO CAQLI KALA WEYN!!! W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)
Hadaba hadaan u soo laabano mawduuca aan rabno inaan maanta ka faloono waxaad arkaysaa dadka qaar aanu jidhkooda iyo caqligoodu is lahayn oo waxaad had iyo goor maqashaan hebal ama heblaayo waxaa ku jira caqli qof weyn macnaha waa yaryihiin xaga cumrigooda markaad eegto laakiin waxaa uu ilahay koreeye ugu deeqay garasho hufan oo aan cimriIlaahay koreeye waxaa uu bani aadamka ku karaameeyay garashada ama caqliga kaasi oo ay kaga duwan yihiin xayawaanka intiisa kale waayo xayawaanku marka bani aadamka laga reebo malaha garasho ama caqli ay wax ku kala saaraan oo waxaad aragtaan iyagoo suuqa ama dadka dhexdooda isku fuulaaya ama iskugu tagaaya hadba sida aad u taqaanaan. ku xidhnayn balse ah hibo ilahay.
Waxaanad ku garanaysaa markay arin ka hadlayaan ee taladooda dhiibanayaan inuu caqli wacani ku jiro oo ay u fakirayaan si ay masuuliyadi ku dheehantahay oo daganaan iyo garasho badhaxtirani ay ka muuqato waanad ku farxaysaa dadka noocan ah oo waxaad is dhahaysaa ayaa dadka sidan idiinka wada dhiga waayo inta badan dadku waxay ka aradanyihii ama ay ka qaawan yihiin waa garashada ama caqli wacnaanta.
Taa aan soo xusnay waxaa ka soo horjeeda mida ugu layaabka badan oo waxaad arkaysaa nin ama gabdh aad layaabayso muqaalkooda iyo sida ay u egyihiin ama labiskooda cumri ahaana waa ay waynyihiin hadana marka ay hadlaan uunbaad aayar ka dhaqaaqaysaa waayo waxay ku hadlayaan ayaa ah waxaanad u quudhahayn muuqaalkooda.
Halayaabin hadaad aragto qof noocan oo kale waayo meesha laga arimiyo ee qiimaha lagu yeeshaa maa qofku sida uu u egyahay ee hadba inta ay leegtahay garashada iyo caqliga ku jiraa waxaana taani u daliil ah xadiiskii Nabiga Iyo Nabad Galyo Korkiisa Ha ahaatee ee macnihiisu ahaa ( ilaahya ma eego sidaad u egtihiin iyo jasadkiina hasayeeshee waxaa uu eegaa waa quluubtiina iyo acmaasha aad samaynaysaan).
Halkaa waxaad ka qaadanaysaan ama aynu ka fahmaynaa in meesha qofka bani aadamka ahi uu qiimaha ku leeyahay ay tahay caqliga ama qalbiga wacan ee wanaaga iyo xumaanta kala saaraya dabcan isagaa qofka ku haga akhlaaq wanaaga iyo dad la dhaqanka suuban runtii waan waslada hadii ay hagaagto jidhkoo dhamina hagaagaayo haday xumaatana jidhkoo dhami xumaanaayo.
Sidaa awgeed waa inaad mar walba maskaxda ku haysaa in halka qofka bani aadamka ah laga qiimeeyaa ay tahay had ba inta uu garasho iyo caqli wanaag leeyahay inta uu doono qofkaasi ha leegaado sida uu doonana ha u ekaado faqiir iyo qani kuu doono ha ahaado waxaa kaliya ee qofka lagu qiimeeyaa waa qalbiga iyo subanaanta hadba caqligiisa.
Hadaad qofka ku qiimayso midabkiisa, dhererkiisa, aduunkiisa, mansabka uu hayo ogow adaan dhaamine waayo intaasi maaha midna waxa lagu qiimeeyo qofka bani aadamka ah.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)





0 

JIDH IYO CAQLI KALA WEYN!!! W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)
Hadaba hadaan u soo laabano mawduuca aan rabno inaan maanta ka faloono waxaad arkaysaa dadka qaar aanu jidhkooda iyo caqligoodu is lahayn