waxay ku hamiyayeen in ay maruun minbarada hoggaaminta fulaan waayahooda,waxqabadkooda iyo warkoodaba ay halkaa ka dhiibtaan tamarta alle ku abuuray iyo xooga curdinka ah ee ay la soo kacayaan ay sida barafka kulaylku u burburiyo ugu burburiyaan caqabaddaha hortaagan buqcadan yare ee aduunka ka oodan ,ummadan daalka badani ka muuqdo ee ay ku dhexnool yihiina ay mar uun wajigooda farxad u galiyaan kuna beeraan qalbiyadooda aad moodo inney sii gudhayaan rajo iyo hididiilo cusub oo alle kasoo dhex saaray meel ay dadaal badan soo galiyeen balse, uu waayaha iyo wakhtigu ka xoog roonaaday oo sidii ay rabeen iyagoo aan u yaraysan noqon wayday.

Waxaa rajadoodii iftiin kusii qabtay markii 2011-kii aqalka hoose ee baarlamanka soomaalilaan uu ansixiyey in la jabiyo mid kamida albaabadii hortaagnaa dhallinyaradii u heelnayd in ay badhaadhahooda la tagaan minbarada hoggaaminta.Taasi waxay rajo iyo soo ambabarid ku abuurtay dhallinyaro sida duufaanta awoodi ugu jirto oo maruun islahaa salaankaa dheer ee la idinka fuulay goormaydin gaadhi Ogolaanshahaa iyo jabintaa albaabkaas maxaa ka dambeeyey.
Maxaa dhacay:
Waxaa hurdada ka kacay dhallin oomon oo aad moodo in uu cadaw ka hortaagnaa darka biyaha laga cabayo waxay iskusoo maqiiqeen tamar iyo maskaxna ku bixiyeen sidii ay uga faa’iidayn lahaayeen warkaa farxada lahaa ee ay maqleen rajadoodana u rumayn lahaayeen kumaanankii u sacabo tumay warkaa soo yeedhay ee dhawaaqiisu gaadhay qalbiyo badan oo u oomanaa sawiro dhallinyaro oo qurxoon oo minbarka fuula oo dul iyo hoos oo qalbigooda ahba nadiif ka ah.
Ollale aan laga daalin ayey galeen dhallinyar badan oo ah inney kasoo bilaabaan albaabkii u hooseeyey ee laga furay kadibana ay usii dhaafaan illaa figta u saraysa ee hoggaamineed.Ollalahoodaa lama mijo xaabin waxay helleen dad gob ah oo taageero iyo maalba la garab istaagay,ummad u hurtay wakhtigoodii ku caleemo saartay inney yihiin dadkii maanta maandeeq maali lahaa caanaheeda ummadu ku naaloon lahayd ee ardaa walba gaadhi lahaa.
Halkii loo socday ayaa la yimid waxay kasoo dhex baxeen boqolaalkii dhallinyarta ahaa ee hamigoodoo kale qabay ee ay la tartameen tartanka xooganina dhex maray.May qancin dhallinyaradaasi iyo kuwii lamidka ahaa ee ay magacooda iyo milgahooda sideen ee waxay u dhiibeen fariintoodii ahayd in sawiradooda iyo ruuxdoodu ku dhex noolaato oo magaca dhallinyaro uu shida shamaca u shido dalkoodan oo ay u nasiyaan ummadii intaa dalkan tunka kusoo siday oo hadda u baahnayd inney arkaan oo ku faanaan dhallintii dhabarkooda kasoo baxday iyo milgaha ay ummadooda u horseedeen.

Hungaddii Minbarka
Golahii la yimid waa golahee? Waa gollihii deegaanka ee looga tallin jiray caasimaddan Hargaysa
Waa kuwan raggii la sugayey xambaarsanaa haybadda dhallinyaro waxay sidaan kumanaan waraaqood iyo fariimo ka dhex guuxayay dhallinyaradii hamigooda ay ka wakiilka ahaayeen waxay dhallintaasi sugayeen horumarkii bilaabmi lahaa,sumcaddii ay faraqyada ka buuxsan lahaayeen ee shacbigooda balse , taasi ma dhicin.
Maxaa dhacay? Sawirkii is badal jawigii minbarku is badal yaab!dhallintii la badal oo yaa badalay mooyi! Horumarkii magac kale yeelay,hammigii dhallinyaradu jab,Aqoontii lagu tuhmayey dhallinyarada laga shaki ,hoggaamintii dhallintu fashilmatay arimahaasoo dhan waa kuwe ka dhex guuxayey shacabkii tarabuunka ka daawaney raggii minbarka la saaray.
Shacabkii nijad jab oo waataa maanta muuqata.shaqadooda laga dayri oo waa taa maanta muuqata.
Dhallintii xildhibaanada isku badashay waataa maanta dariiqaad aragtadaba sumcaddii dhallinyarada oo dhulka lala galayo aad arkayso yaa u soo jiiday?waa kuwii ay calanka u dhiibteen.
Waxay ka nijad jabiyeen dhallintii albaabka labaad u gudbi lahayd, waxay mijo xaabiyeen hoggaankii wacnaa ee dhalinta lagu bartay,waxay majaro habaabiyeen oo ay been ka sheegeen daacadnimaddii lagu ogaa dhallinyarada oo maanta gaadhay AHEEY YAA HARAGEEDII IGAGA CELIYA.
Fariinta ay maanta dhallinyaradda ay hammigoodii waddada jiideen ku cataabayaan ayaa ah”DILAAL NOO DHUUNTAYOOW SOO DHAADHAC”
Laba is Barkan:
Ma dhallinyaradaan dhallinyartii ahayn siday wax u jiraan waa arin kale oo runta u dhaw inney ku doodaan dhallinyaradu oo ay yidhaahdaan dhallinyar waa la wada yahay laakiin lama wada dhadhamiyo macaanka dhallinyarada ku duugan iyo aqoonteeda waa laba is barkan.
Hal shaadh ayaa ka dhaxeeya dhallinyarada oo qudha waana kaa kay ku dileen sumcaddii dhallinyarada ee dalkan u soo kacaysay.
Waxaa laakiin dhallinyaradu qirsantahay inaanay ahayn dhallintii loo baahnaa ee saxa ahayd waana ta dhabta ah.





 W/Q: Ibnu Barawaani

A.barawani10@gmail.com