Xuquuqdaaada Iyo Xuquuqdeena W/Q Abdifatah Basher

0
Thursday December 22, 2016 - 15:44:59 in by Burco Office
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuquuqdaaada Iyo Xuquuqdeena W/Q Abdifatah Basher

    Beryahan Dambe Waxaa Inagu Soo Badanayay Hanjbaada iyo Gacan ka hadalka Ay Geysanayaan Muwaadiniinta Qaar ka mida Iyadoo Meel Ka Dhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beryahan Dambe Waxaa Inagu Soo Badanayay Hanjbaada iyo Gacan ka hadalka Ay Geysanayaan Muwaadiniinta Qaar ka mida Iyadoo Meel Ka Dhac

 Ay Ku Tahay Xoriyada Qofka Muwaadinka ah iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee La Aaminsanyahay


.
Xuquuda waxaynu U kala saari karnaa guud ahaan Saddex xuquuqood:-
.
1-Xuquuq madani ah "Civil Right”:- oo ah mid la xidhiidha Sugidda amniga muwaadinka, Xoriyadda qofka, xoriydda fikirka, illaalinta hantidiisa (Xoolihiisa),Waa in si cadaalad ah loo macaamiila dhamaan muwaadiniinta, iyo waan in qofka aan ladhibaatayn jidh ahaan iyo maskax ahaanba.
.
2-Xuquuq siyaasadeed "Political Rights” oo la Xidhiidha ka qayb qaadashada dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka,waa inuu qofku soo bandhigi karo fikirkiisa siyaasadeed,kuna biiri karo xisbiyo Mucaarad ah iyo in uu si xor ah u dhaqdhaqaagi karo isaga oo aan la kulmin cabsi iyo is hortaag midnaba.
.
3-Xuquuq dhaqaale "Economic Rights:- oo iyana la xidhiidha in muwaadinka laga daboolo baahiyaha asaasiga ah sida ganacsiga, adeegyada dhaqaale iyo bulsho intaba. Waan in uu qofka uu hanti yeelan karo xorna u yahay isticmaalkeedka iyo qofka in aan xoog loogu shaqeysan.
.
Masuuliyad muwaadinka "Re-sponsibility”:- haddii aynu tilmaano iyana waa waajibaad lagu aaminay qof gaar ah ama koox Waxaa kale oo aynu odhan karnaa waa masuuliyad shaqo ama waajibaad muwaadinka saaran isaga oo sida ugu haboon ee sharciga iyo xeerarka dalka waafaqsan una maraya inuu kaga qayb qaato arimaha siyaasadeed, dhaq-aale iyo bulsho ee dalka ka socda.
.
Aan Isku Ixtiraamno Xuquuqaha Diinteena Islaamka iyo Heshiiskeenu (Dastuurkeenu) Qorayo Waa Inaynaan Hab Gumaysi Casri ah aynaan Isu Maamulin Isuna Awood Sheegan.
.
Mahadsanid.
Janaraal Abdifatah Basher
Burao-Somaliland.