Sarah Obama oo Ayeeyo u ah Barack Obama oo Nairobi u timid si ay ula kulanto Wiilkeeda

0
Friday July 24, 2015 - 18:30:56 in by Burco Office
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarah Obama oo Ayeeyo u ah Barack Obama oo Nairobi u timid si ay ula kulanto Wiilkeeda

    Nairobi(AFKA)Sarah Obama oo ayeeyo u ah Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack H. Obama, isla markaana dhashay Aabbihii ayaa Maanta Nairobi la keenay si ay ula kulanto wiilka ay ayeeda u tahay oo lagu wado inuu soo gaaro Nairobi Sacadaha soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi(AFKA)Sarah Obama oo ayeeyo u ah Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack H. Obama, isla markaana dhashay Aabbihii ayaa Maanta Nairobi la keenay si ay ula kulanto wiilka ay ayeeda u tahay oo lagu wado inuu soo gaaro Nairobi Sacadaha soo socda.


Madaxweyne Obama ayaa u imaanaya Kenya sidii uu uga qaybgeli lahaa kulan looga hadli doono ganacsiga, isagoo sidoo kalena saddex casho ee uu joogo la kulmi doono xubno ka tirsan qoyska aabbihii oo weli ku nool dalka Kenya.

Booqashada Obama uu ku imaanayo Kenya ayaa noqonaysa tii ugu horreeyay oo uu ku yimaado dalka Kenya isagoo madaxweyne ah, balse wuxuu horay u yimid dalka Kenya sannadihii siteemayeedadii isagoo wiil yar ah, markaasoo uu in muddo ah la joogay qoyska aabbihii.

Sidoo kale, diyaar-garow xoog leh ayaa ka socda xarunta Kenya ee Nairobi kasoo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Mareykanka, iyadoo la joojiyay diyaaradihii Somalia ka tegi jiray ee aadayay Nairobi, sidoo kalena waxaa la adkeeyay amniga guud ee Nairobi, iyadoo la xiri doono garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta marka uu soo dagayo Obama.

Diyaaradaha Jaadka keena Somalia ee ka yimaada Nairobi ayaa si caadi ah uga soo dagay maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, mana ahan markii ugu horreysay oo Kenya ay fasaxdo diyaaradaha Qaadka kuwa rakaabkana ay xayiraad kusoo rogto.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa waxaa la socda xaaskiisa iyo labada gabdhood oo uu dhalay, kuwaasoo iyagana la kulmi doona qoyska uu kasoo jeedo awoowahood Hussein Obama, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay la kulmaan qoyska aabbahood.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shir jaraa’id oo uu maalin ka hor ku qabtay magaalada Nairobi wuxuu ku sheegay in Obama ay kala hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqaalaha Kenya iyo sidoo kale sugidda amniga.

Si kasta ha ahaatee, madaxweynaha Mareykanka oo xalay saaka kasoo duulay kasoo dalka Jarmalka oo uu xalay soo maray, iyadoo lagu wado inuu Nairobi soo gaaro gellinka dambe ee maanta.