Israa'iil Oo Duqeysay Guriga Hoggaamiyaha Xamaas+Khasaraha Ka Dhashay.

0
Sunday May 16, 2021 - 12:40:01 in by salman abdi
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil Oo Duqeysay Guriga Hoggaamiyaha Xamaas+Khasaraha Ka Dhashay.

    Israa'iil Oo Duqeysay Guriga Hoggaamiyaha Xamaas+Khasaraha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Israa'iil Oo Duqeysay Guriga Hoggaamiyaha Xamaas+Khasaraha Ka Dhashay. Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo dhowr ah ka geystay guriga hoggaamiyaha ururka Xamaas Yaxya Al Sinwar. Ma kala cadda tirada dadka ku dhimatay ama ku dhaawcantay duqeymihii ugu dambeeyay ee laga geystay Qaza xilli dagaallada ay galeen maalinkii toddobaad.  
Ururka Xamaas ayaa gantaallo ku riday Israa’iil, arrintaas oo dhalisay cabsi ah inay gabbaad Ka Raadsadaan 
Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay sii xooggan uga jawaabi doonto gantaallada Xamaas tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo. Wuxuu sheegay in wadahadallo la bilaabo doono oo kaliya ah marka la joojiyo gantaallada lagu ridayo dhinaca Israa'iil. Saraakiisha caafimaadka ee Qaza waxay sheegeen in 150 qof ay kamid yihiin carruur ay ku dhinteen halkaas, halka Israa'iil ay sheegtay in dhinaceeda ay dagaallada kaga dhinteen 10 qof.