Orodyahanka Mo Farah Oo Hantiyay Biladii Lixaad Ee Dahaba Ah .

0
Sunday August 23, 2015 - 21:23:09 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahanka Mo Farah Oo Hantiyay Biladii Lixaad Ee Dahaba Ah .

    Mo Faarax ayaa helay koobkii lixaad ee tartan caalami ah oo isku xiga oo afar ay tahay ciyaaraha adduunka. Wuxuu qaaday orodka 10,000m, inkastoo wareegii ugu danbeeyay uu kufi gaaray markuu gadaal fiiriyay, wuxuuna ku guulaystay biladii dahabka ee Br

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mo Faarax ayaa helay koobkii lixaad ee tartan caalami ah oo isku xiga oo afar ay tahay ciyaaraha adduunka. Wuxuu qaaday orodka 10,000m, inkastoo wareegii ugu danbeeyay uu kufi gaaray markuu gadaal fiiriyay, wuxuuna ku guulaystay biladii dahabka ee Britain ay hesho 2015 ciyaaraha adduunka ee Beijing ka socda.

Toddobo sanno ka hor istaadiyamka Beijing, Mo Faarax ayaa ku guulaysan waayay 5,000M orodada.

Laakiin, Mo ayaa tartanka sanadkan wuxuu ordaayay meesha hore markii ay ka hartay oradka afar wareeg, iyo markii ay ka harsaneed 1200 oo meter, ka hor intuusan dadka dhan ka hormarin markii ay ka harsanayd 500m, iyadoo aan laga hormarin ilaa dhamaadkii.
Iyadoo eedaymo loo soo jeediyay tababarihiisii, Alberto Salazar, oo beeniyay eedeymaha, Mo ayaa u ahayd waqti adag xiligan, isagoo horay ugu guulaystay 10,000m iyo 5,000m ee ciyaarihii adduunka ee Olombiga ee Moccow iyo London.
Mo ayaa wareegii ugu danbeeyay dadka dhan ka hormaray.
Isagoo tilmaamaya inay tartankan Beijing ahayd tii ugu adkayd ayuu yiri, inuu ogaa orodyahanada Kenya iyo Itoobiya inay isku dayi rabeen inay ka hormaraan waqtiga dhamaadka.
"Ma aha wax fudud in la ordo 27 daqiiqo kulaylkan.”



Contact@afkashacabka.com