Hargeysa Oo Lagu Daah-furay Hay'ad Samo-fal Oo Loogu Magac Daray Suldaan Xasan Barre Oo Dhawaan Daad Ku Geeriyooday

0
Monday April 21, 2014 - 20:54:46 in by salman abdi
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa Oo Lagu Daah-furay Hay'ad Samo-fal Oo Loogu Magac Daray Suldaan Xasan Barre Oo Dhawaan Daad Ku Geeriyooday

    Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey aas-aaska xarunta khayriga ahee Suldaan Xasan Barre Warsame Shire ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey aas-aaska xarunta khayriga ahee Suldaan Xasan Barre Warsame Shire ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa

munaasibadda xafladdaasi oo si quruxnadan loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somailand Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirada, arrimaha gudaha,diinta iyo awqaafta, kaluumaysiga, Suldaanka ha haya jagadii Aabihii Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre iyo xubno badan oo ka tirsan madax dhaqameedka Somaliland iyo dadweyne kale oo farabadan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo gabacsato ay kamid yihiin Aadan Axmed Diiriyee [Aadan Baradho,Kayse Shukri Xuluul ayaa la arkayey iyaga oo safafka hore soo fadhiya,kahor waxaa madashaasi lagu daawaday Film kooban oo muuqaal ah kana waramayey waxqabadkii Suldaan Barre Warsame Shire oo mu’asisadan khayriga ah isaga loogu magacday.

Qaybaha kaladuwan ee ay dadweynuhu Filmkaasi kooban ka daawadeen wax qabadkii Suldaan Barre waxaa kamjd ahaa muuqaalo uu ku dhetagay degmooyinka miyiga ah ee ay dadka reer Guuraaga ahi ku dhaqanyihiin isaga oo duruufahooda kala sheekaysanaya caruuryayar oo xoolo ku raacaya iyo waalidkood oo uu ku boorinayey qiimaha waxbarashadu leedahay iyo inay reer miyigu caruurtooda waxbaraan.

Suldaan Siciid oo kamid ahaa salaadiintii la socotay markii uu daadku marxuumka ku qaaday degmada Daracbuluq ayaa ka sheekeeyey sidii ay wax dheceen waxaanu ka warramay taariikhihiisii ay u soo wadajoogeen "aniga iyo Suldaan Axmed Daahir ayuu na odhan jiray markay fiidka hore arrimaha nabadaynta nagaga tagto salaada Tarwaaxiidu dib inoo toosiya aan tukanee” ayuu yidhi Suldaan Siciid.

"1989 kii ayaanu isbaranay Suldaanka ilaahay haw naxariistee waxaanan ballan qaadayaa inta aan noolahay inaan ka shaqeeyo sidii ay mu’assisaddaa khayriga ahi jirto” ayuu yidhi Suldaan Siciid waxaanu intaa ku daray "gacmaha ayaanu is-haysanay markii uu daadku na qaadayey” ayuu yidhi Sudlaanku waxaanu intaa ku daray "eraygii ugu dambeeyey ee aan ka maqlayey markii daadku na qaadayey waxa uu ahaa "malaha caawa kan ka bad-baadimayno[daadkii qaaday] ayuu yidhi Sudlaan Siciid.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Suldaan Axmed Daahir oo isaguna kamid ahaa sulaadiintii la socday markii uu daadku qaadayey marxuumka waxaanu sheegay Suldaanku sheegay isaga oo badal oo kana qiiraysnaa noloshii ay soo wada mareen marxuum Suldaan Barre Warsame Shire inuusan ka warrami Karin wixii uu soo wada mareen.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna ka waramay taariikhdii Sulaan Barre Warsame waxaanu yidhi "anigu Suldaan Barre waxaanu is barangay xiligii SNM waxaanu kamid ahaa 10 qof ee ugu horeeyey eek u shiray xaafadda Sheekh Madar” ayuu waxaanu yidhi "goobihii ugu ad-adkaa ee aanu isgu nimid way badnaayeen balse waxaan ka soo qaadanayaa tii Darroor ka dhacday” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

"Cidii soo aas-aastay foundation-kan waanu u mahad naqaynaa waanan taageerayaa” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi,waxaa isaguna madashaa ka hadlay Aadan Axmed Diiriye [adan Baradho] waxaanu ka warramay qadar kooban taariikhdii ay soo wadamareen Suldaan Barre "goobtan aan fadhino farxad iyo murugu ayaa inagala kulantay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

"xusidan aan xusaynaa waa farxad horeyna sidan oo kale umaynaan samaynjirin waayo maaha qofku marka uu dhinto uun maaha inaynu xusno ee waa inaan ka sheekaynaa inta uu nool yahay wixii wanaag agaa ee uu soo qabtay” dhinaca murugaduna waa xusuustii walaalkeen oo qaali inagu ahaa geeridii ku timid” ayuu yidhi Aadan Baradho.

"Anigu waxaan idhaadaa dadka danta guud fahmay Suldaan Barrana waxa uu kamid ahaa dadka danta guud fahmay” ayuu yidhi Xaaji Aadan Baradho waxaanu ku boorriyey dadkii madashaasi fadhiyey inay taageeraan,sheekh Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ah Gudoomiyaha hay’adda wanaag-farista oo ku hadlayey magaca culimada waxa uu ka warramay diinta iyo siday u qiimaysay qofkii wanaagga dadka u horseeda "foundation-ka aas-saaska Suldaan Barre waa wax Ilaaahay loogu mahadiyo” ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Cabdillaahi.

"hay’adaa loogu magacdaray waa inaan taageeraa waa inaan gacan iyo ducaba ku taageerro” ayuu yidhi balse dhanka kale waxa uu ku dardaaray bulshadu inay la socdaan dadka xishoonaya ee aan haysanin wax ku filan "dadkeenu ma dawarsadaan oo way xishoodaan sidaa darteed waa inaad xaaladahooda la socotaan oo aad gacan ka gaysataan waxka qabashada duruufahooda” ayuu yidhi.

Suldaan Naasir oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu aad u amaanay Suldaankii dhintay waxaanu tilaamay inuu ahaa nin qaali ahaa.waxaa isaguna halkaa ka hadlay Suldaan Saleebaan oo kamid ahaa Sulaadiinta la soo shaqeeyey waxaanu ku amaanay inuu ilaahay aad uga baqi jiray "waxaan ku arkijiray isaga oo habeenkii na dul oyna [salaatuleylka tukanaya] ayuu yidhi Suldaan Sabeebaan.

Mubaarak Ismaaciil Taani oo ku hadlayey magaca dhalinyarada oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu Suldaanka geeriyooda ahaa xubin bulshaawi ahaa oo ka tirsanaa dhalinyarada Somaliland "wixii uu ka sameeyey waxbarashada iyo caafimaadkuba waa intay maanta ku shaqeeyaan waxaanan ku balan sanayn inuu nagala qaybgalo -olole aanu ku doonaynay inaanu ku qaadno halista iyo hdibaatada uu qaadku leeyahay” ayuu yidhi.

Maxamed Shukri Jaamac oo ah gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo halkaa ka hadlay waxa uu ka warramay taariikhdii Suldaan Barre Warsame Shire "aniga oo ku hadlaya afka qoyska waxaan idin leeyahay waad mahadsantihiin” ayuu yidhi Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shukri Xuluul.

Marwada 1aad ee Madaxweynaha Aamina Waris oo halkaa ka hadashay waxay si kooban waxaanay tidhi "xafladan qaaliga ah in loo sameeyo wuu mutaystay marxuumka Ilahayna Samir iyo Iiman haynaga siiyo” ayey tidhi Marwo Aamina Waris.Boqor Cismaan Buur-madawo oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay aqoon wanaagsan isu lahaayeen marxuumka.

"Wuxuu ahaa dadka aanu siyaasadda isku waafaqi waynay” waxaanu intaa ku daray "markii aanu qoladayadii barigu ka candhoonay shirkii lawada garanayo oo aanu Muuse Biixigaa ka cadheeya isnidhi ee uu noo cadhoon waayey waa maalintuu uu Muuse Biixi ugu dulqaadka badnaa ninkii shirkaa dib noogu soo celiyey waxa uu ahaa Suldaan Barre” ayuu yidhi Buur Madaw.

"Ninka waxaa yaqaana ninkii ay siyaadda ku kala duwanaayeen” ayuu yidhi waxaanu madax dhaqameedka ku dhiiri galiyey inay qayb ka qaataan taageerana siiyaan mu’asisadan khayriga ah ee Suldaanka loogu magacday,waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf Mumumed Xiirey waxaanu ka sheekeeyey waxyaabihii ay soo wadamareen Suldaan Barre.

"Waxaanu isugu nimd Darroor waxba kala qarsan maynee markii ay xaajadii murugtay waxaan ku idhi maxaynu yeelaa waxaanu igu yidhi nabad baynu qaadanaynaa markaasaan ku idhi waayee yaa ku dhawaaqaya markaasuu yidhi anigaa ku dhawaaqaya subixiibaanu halkii kaga dhawaaqay” ayuu yidhi.

"Hotra Muuse Biixiyow anigu Kulmiye maan ahayn oo waan kaa soo horjeeday balse waxaan Kulmiye noqday maalintii uu dhintay Suldaan Barre balse waxaan adiga sigaara kaaga doonayaa wixii aad Suldaanka ugu dalo gashay inaad madasha ergooyinka Kulmiye noogaga dhawaaqdo” ayuu yidhi Suldaan Xiiray. Waxaanu si balaadhan ugu mahad celiyey isaga oo ku hadlayey magaca beesha uu ka soo jeedo Sudlaan Barre sida aan loo kala hadhin ee ay Sulaadiinta, siyaasiyiinta, Xisbiyada, Haweenka iyo xukuumaduba uga soo qaybgaleen xafladda aas aaska mu’asisaddan SuldaanBarre Warsame Shire.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid [Soltelco] oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay waxbadan ka anfaceen talooyinkii uu siiyey xafiiskiisa Dawladda hoose taana uu ku badhaaday waxbadna ka faa’iideen "anigu waxaan ahay ninka talooyinkii uu siiyey sida weyen ugu badhaaday foundationkiisa loogu magacdarayna gacan baanu ka qaadan doonaa” ayuu yidhi Maayarku waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiirka awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi waxaanu sheegay inuu Suldaan Barre ahaa nin gacan furan oo deeqsi ahaa isla markaana aanu hunguri ka qaban jirin waxa ku jira jeebadaha dadka kale "wuxuu ahaa shakhsi aad u gacan furan oo waxay dadka kale haystaana aanu hunguri ka qaban jirin oo xataa shidaal kamuu qaadan jirin cidkale” ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed.

"Aniga oo ku hadlay magaca wasaaradda waxaanu ka qayb qaadanaynaa wixii taageero ah ee foundation-kaasi loofu magacdaray Suldaan Barre” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey "inteenaa meesha fadhida midna Sudlaan Barre ii kaalaya muu odhanin basle waxaa isku keen keenay wanaagiisii uu lahaa” ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Waxaa isaguna madashaa ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Barre oo ah ninka uu uga tagay dhaxalkii mansabkaasi oo dhawaan loo caleemis aaray wadaanu ka hadlay waxa uu doonayo inuu ku matalo Aabihii Ilaahay hawnaraxiistee "waxaan ku koray gurigii Suldaan Barre oo Aabahay ahaa wixii isagu la dhintayna wuu igu duugan yahay waayo ninkii shaaha u karinjiray ee gogasha u qaadayey ayaan ahaa” ayuu yidhi waxaanu xusay inuu Foundation-kan loogu magacdaray Aabihii waxa ugu horeeya ee uu wax ka qaban doonana uu yahay dib u dhiska Biriijkii uu daadku Aabihii daadku ku qaaday ee Dacarbuqul "waxa ugu horeeya ee uu Foundation-kani doodanyo inuu wax ka qabto waa dib u dhiska Biriijka Dacarbuqul ee uu daadku Aabahay ku qaaday” ayuu yidhi.

Wasiirka arrikaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo halkaa ka hadlay waxa uu ka hadlay sida dadkii ka horeeyey taariikhdii uu lahaa Suldaan Barre Warsame Shire waxaanu yidhi "waxaa inoogu fila wixii uu soo qabtay Suldaan Barre filmkii koobnaa ee aad halkan ka daawanayseen iyo sidii uu u dhiiri galinayey caruurtii reer baadiyaha ahayd” ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey "wuxuu ahaa nin Ilaahay wuxuu ahaa nin aynaan halkan ku soo koobi Karin wanaagiisii uu lahaa” ayuu yidhi.

"Markii aan la tashaday Madaxweynaha ninkii ugu horeeyey ee aan u yeedhay waxa uu ahaa ninkii kaalintaa iiga beegnaa” ayuu yidhi Cali Maxamed Waran Cade "anigaa horkacayey oo waftigu way iga dambeeyeen mana garanayo ilaa hadda waxa I dhaafiyey Sudlaanka iyo gaadhigii la socday” ayuu yidhi Cali Waran Cade.

"Gaadhiga gad gadoomaya daadka dushiisa waan arkayey balse maan ogeyn inuu yahay gaadhigii uu la socday Sudlaab Barre” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray "dadku inyar bay ku haftaane biyaha intaa leg xoogooda ninka marba ka soo dhexbaxaya waa kuma waxaan ogaaday markii la iisheegay inuu ahaa Suldaan Barre oo xagga Ilaagay laga lagawatay” ayuu yidhi Cali Maxamed Waran Cade.

Gabagabadii xafladdaasi waxaa ka hadlay Madaxaweyne ku xigeenka Somaliland Mr Saylici waxaanu sheegay inaanu waxbadan ka sheegeyn taariikhda Suldaan Barre basle waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan gacan ka geysan doonaan taageerada mu’asidasadan loogu magacdaray Suldaan Barre Warsame Shire "anigu waxbadan ka sheegi maayo taariikhda Suldaan Barre balse waxaan filayaa inay inagag filantahay wixii aynu ka arkayna filimkii koobnaa ee uu ka hadlayey” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku waxaanu Suldaadiinta ioyo Madax dhaqameedka kaleba kula dardaarmay inay yeeshaan taariikhdiisii oo kale isla markaana u istaagaan arrihihii uu u taagnaa Suldaan Barre Warsame Shire "Sulaadiinta kale iyo Madax dhaqameeka waxaan ku boorinayaa inay galaan kaalintii Suldaan Barre oo kale si ay hadhaw Taariikhda wanaagsani u xusto sidan oo kale” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

AFKASHACABKA.COM
HARGAYSA/oFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM