Boqorkii iyo Ninki Caqliga badnaa W/Q Qoraa Ibraahin Maxamed Kaahin

0
Sunday January 17, 2016 - 11:39:28 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Boqorkii iyo Ninki Caqliga badnaa W/Q Qoraa Ibraahin Maxamed Kaahin

    Beri ayaa waxaa jiri jiray nin boqor ah oo haysta, cuddud iyo ciidan labadaba , waxa uu ka talin jiray boqortooyo aad u balaadhan, xaga dhul ahaan iyo xagga awood ahaanba, waxa uuna lahaa sharciyo iyo xukuno aad u adadag ku was oo uu ku fulin jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beri ayaa waxaa jiri jiray nin boqor ah oo haysta, cuddud iyo ciidan labadaba , waxa uu ka talin jiray boqortooyo aad u balaadhan, xaga dhul ahaan iyo xagga awood ahaanba, waxa uuna lahaa sharciyo iyo xukuno aad u adadag ku was oo uu ku fulin jiray
 , kunaciqaabi jiray qofka gala khalad ama jebiya sharciga boqortooyada, waxaana ka mid ahaa ciqaabaha uu la kulmo qofkii sharciga baal maraa , in inta maalin laysagu yeero dadka dhamaantod dabeed la dadka hortooda inta eyy la carbiyay lagu diro, qofkaasi halkaas ay ku kala goosan jireen dibna aan laysu weydiin jirrin dkana waxay u ahayd teed a adag oo kaga dhidhan inay danbi falaan ama wax sharciga ka hor imanaaya falaan, waxa uu arinku sidaa ahaa daba, waxa maalintii danbe khalad galay nin ay boqorka muddo toban sanadooda ah soo wada shaqaynayeen , ninkii ayaa waxa uu boqorkii xukumaayayay boqortooyada amray in la mariyo sharciga u yaala boqortooyada

waxaa markiiba la soo qabtay ninkii si lii mariyo sharciga meesha u yaalay balse nin kii waxuu dal baday in boqorka loo geeyo intaan lagu fulin sharcigii u yaalay boqortooyada dabadeed waa loo geeyay ninkii boqortoosayada madaxda ka ahaa ama boqorka waxa uuna ka dal baday in la daayo tobancisho oo qudhiya noloshiisaba si uu tobankaa cisho u dhamaysto hawlo u yaala ama ka qabyo ah boqorkii hadalkii waa ku qancay waana daayay ama u ogalaaday wakhtigii codsigiisa ee uu kadalbaday ninkii, waxa uu keenay maskax si uu u badbaado noloshiisa ,wax a uuna go’aan saday inuu u tago ninka meesha eyyda lagu xanaaneeyo horjoogaha ka ah, waa uu u tagay waxa uuna uga waramay arrinkii iyo waxa uu doonaayo inuu sameeyo ninikii waa u ogalaaday arrinkiisii ahaa in tobaan cisho loo dhiibo, furayasha meesha ay ku jiraan eyydu , labadii cisho ee hore ninkii eyydii cuntadii ama hilibkii ay cuni jireen waa u kordhiyay, labadii cishee kalana waa uu u yareeyay si uu isu baro inuu hay xanaaneeye kale ama qofkale si uu saaxiib dhow ula noqdo, maalintii danbe waa la ciyaaray ama waxa uu u tuurtuuray cuntadii ,maalinti kale waa uu ugalay, wax bana may yeelin taasina waxay ku tusinaysaa inuu yahay xayawaanku mid saaxiib tinimo wanaagsan, yiqaanana abaalka iyo saxiibtinimada,wax uu wakhtiga iyo waayuhu sidaa ahaadaba, waxaa dhamaantay wakhtigii waxaanala gaadhay xiligii la dili lahaa laguna fulin lahaa sharciga waa la soo qabtay waxaana laysugu yeedhay dadkii oo dhan meel barxad ah, waxaa la keenay ninkii oo xidhxidhan , waxaanameel loo geliyay eydii , si ay u cunaan balse taasi ma dhicin, eydiina waxay billaabeeninay inaanay cunin balse ay ku dulbood boodaan, taas oo fajac yo filan waa ku noqotay dhamaan dadkii meesha joogay ilaa boqorkii, markii danbe waxa uu boqorki cod saday inloo soo kaxeeyo ninka , waana loo soo kaxeey si uu wax u weydiiyo waxa uu ku sameeyay eyyda amawaxa uu sameeyayba, ninkii waxa uu boqorkii u sheegay inay xayawaanku dadka ka saxiib wanaagsan yihiin waxaanuu yiri ‘’boqor waxa aynu saaxib ahay muddo toban sanadood ah maalin aan khaldamayna waad iska kay cafin weyday eyydana waxaanu saaxiibo ahayn tobon maalmood waanay I’ilaaliyeen ina xaq dhawreen iskana kay cafiyeen’’ boqorkii waxa u garowsaday inuu khalad cad ku sugnaa maalintii laga bilaaaban waa uu yareeyay tacadigii ka dhanka ahaa dadkii uu maamulaayay, qisadan waxay ina baraysaa ina baraysaa in madaxdu udulqaadato shacabkooda wa……………….
qoraa ibraahim maxamed kaahin
tell= 063-4265672