Sidee Ayaad Kaalmaha Ugu Sarreeya Uga Gali Kartaa Waxbarashadaada (Talooyin…)(Qaybta 1aad)

0
Wednesday May 28, 2014 - 10:30:34 in by Super Admin
  • Visits: 3910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ayaad Kaalmaha Ugu Sarreeya Uga Gali Kartaa Waxbarashadaada (Talooyin…)(Qaybta 1aad)

    Waa hubaal in qof waliba oo waxbarasho ku guda jira in uu ku hamminayo oo uu jeclaan lahaa in uu kaalmaha ugu sarreeya ka galo waxbarashadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa hubaal in qof waliba oo waxbarasho ku guda jira in uu ku hamminayo oo uu jeclaan lahaa in uu kaalmaha ugu sarreeya ka galo waxbarashadiisa.

Marka aan la hadlayno dadka wax barta, Qofkee ayaan doonayn inuu noqdo midka ugu sarreeya galaaska uu dhiganayo?. Ama guud ahaanba goobta waxbarasho ee uu dhiganayo.


Waa hubaal in qof waliba oo waxbarasho ku guda jira in uu ku hamminayo oo uu jeclaan lahaa in uu kaalmaha ugu sarreeya ka galo waxbarashadiisa.

Haddaba waxan halkan idiinku soo gudbinaynaa talooyin muhiim u ah sida uu ardaygu kaalmaha ugu sarreeya u gali karo waxbarashadiisa:

1:Si wanaagsan uga faa’iidayso waqtiga: waqtigu wuu koobanyahay haddaba ha iska dayicin waqtiga, waqtigu wuu xaddidanyahay micnaha maalinti waa saacado go’an oo aan yaraanayn ama aan kordhayn, haddaba waxaa habboon ardaygu inuu waqtigiisa beekhaansado oo qayb uu ugu talo galo wax akhrin qaybna nasashadiisa iyo ciyaar. Laakin waxaa lagama maarmaan ah in waqtiga ciyaarta aanay saamayn waqtiga wax akhrinta.

2:Wax akhrintu hakuu noqoto wax joogta ah oo noloshaada kamid ah, laakin ma ahan in ardaygu uu wax u akhriyo sidii uu uga gudbi lahaa imtixaanka uu galayo, iyo inuu shahaado dhibca sarreeya ku qoranyihiin helo. Laakin waxaa muhiim ah in maalin waliba waxa uu soo qaato uu ardaygu akhriyo si uu ula fal-galo casharrada, si xilliga imtixaanka la gaadho iyada oo dhamaan maadooyinku u jilcisanyihiin.

3:Maadooyinka aad jeceshahay dartood ugu samir maadooyinka aadan ka helin: macnuhu waxa uu yahay ardayda intoda badan maadooyinka qaar way xiiseeyaan qaarna way necbanyihiin, marka waxaa wanaagsan si dhamaan maadooyinka oo idil uu guul uga gaadho ardaygu in maadooyinka uu jeclyahay dartood uu samir ku aqbalo akhrinta kuwa uusan ka helin ama ku adag.

Shaqo maanta lagaa doonayo dib ha u dhigin: ha odhan maalinta imtixaanka la galayo ayaan wax akhrinayaa laakin waxaa qasab ah in ardaygu uu casharrada akhriyaa isla maalinta uu soo qaato.






la soco.............

contact@afkashacabka.com