Munasibad Shahadooyin Lagu Gudoonsinayay 260Arday oo Dhamaysatay waxbarashada Technolgyada Oo Ka Qalinjabiyay dugsiga Orbit International College Ee Magalada Burco

0
Friday May 30, 2014 - 12:05:43 in by salman abdi
  • Visits: 1928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munasibad Shahadooyin Lagu Gudoonsinayay 260Arday oo Dhamaysatay waxbarashada Technolgyada Oo Ka Qalinjabiyay dugsiga Orbit International College Ee Magalada Burco

    Munaasibad Balaadhan Oo Ilyartu Isqabatay isla markaana shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay 260Arday oo Dhamaysatay waxbarashada dugsiga Orbit International College ayaa Xalay lagu Qabtay Hotel Deero Ee magaalada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad Balaadhan Oo Ilyartu Isqabatay isla markaana shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay 260Arday oo Dhamaysatay waxbarashada dugsiga Orbit International College ayaa Xalay lagu Qabtay Hotel Deero Ee magaalada Burco
Xafladani balaadhan ayaa waxa ka soo qaybgalay Gud:ku xigeenka Gobolka Togdheer Mud:maxamed maxamuud Yuusuf Ubaxle, Xildhiban C/risaaq Aar Oo kamida Golaha Deegaanka Burco, Xildhibaan Maxamuud Saleban Warsame Oo kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ceerigaabo, maamulayaasha Dugsiyada Sheikh Ibrahim Iyo Savana , Abwaan Hure , Maamulka macalimiinta , Ardayda qalinjabinaysay iskuulkan Iyo Marti Sharaf Kale Oo aa u tiro badan

Waxa Ugu horeynba  xafladaaasi ka hadlay maamulaha Dugsiga Orbit Intenational College Mud: Cabdirashiid Maxamed Muuse Oo Ka war bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iskuulkani Waxaana Hadaladiisii Kamid ahaa "Dugsigan Waxa La furay semtemper 2011 Dufcadan aynu Halkan Ujoognaa Waa Dufcadii Labaad Iminka Ardadyda Ka qalinjabinaysa waxay Dhantahay 260 Arday Oo dhamaystay maadooyinka Technolgyada Sida ICT, IT, Communication, Editing and Phtoshop”


Waxaa iyaguna Munasibadan Ka hadlay  Maamulayaasha Dugsiyada Sheikh Ibrahim Iyo Savana , Xildhibaano, masuul Kasocday Wasaarada Waxbarshada Iyo Qaar kamida Ardaydii Dhamaysatay Waxbarashada. Iyagoo dhamaantood ugu hambalyeeyay ardaydii Dhamaysatay Waxbarshada Maadooyinkani Qaaliga ah Waxaanay Ardayda kula dardaarmeen inay halkaasi kasii wadaan waxbarashadooda oo aanay ka caajisin waxa kale oo ay ardaydani kula Dardaarmeen inay Had iyo Jeer ku Dadalaan akhlaaqda wanagsan oo ay kana faa,idaystaan waxyabaha la baray,

Ugu Danbaytiina waxa xafladani soo afmeeray Gud: kuxigeenka Gobolka Togdheer Mud: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) oo halkaasi hambalyo uga diray ardaydii dhamaystay waxbarshada waxa kale oo oo madnaq baladhan usoo jeday waladiinti dhashay ardaydan tirada badan ee qalinjabinaysa iyo macalimiinti ku tabcay ee soo baray cilmigan isaga oo ugu danbayntiina ardayda  kula dardaarmay inanay halkaa kaga hadhin ee ay sii wadaan waxbarashada oo ay  Dalkooda iyo Gobolkoodaba ku anfacaan oo ay ka faa,idayaan cilmigan ay barteen


Ugudanbayntiina  Shahaadooyin  gudoonsiiyay ardaydii Dhamaysatay Waxbarashada  Sikastaba Ha ahaatee Xafladan Xalay ay ka qalinjabisay ardayda Dugsiga Orbit International College Oo tiradoodu Dhantahay 260 arday   ayaa noqanaysa Dufcadi labaad ee ka qalin jabisa Dugsigani


Afkashacabka.com
Burco/Office
Contact@afkashacabka.com