Ma riyaan dhab mooday!!? W/Q: Bashiir Raacdeye

0
Thursday June 26, 2014 - 10:37:53 in by Super Admin
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma riyaan dhab mooday!!? W/Q: Bashiir Raacdeye

    Waxay dhalatay daray barwaaqo ah.waxa loogu wanqalay asli.waxa ku curtay lammaane aqoon iyo garasho lagu majeerto oo laga jecel yahay magalada burco .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay dhalatay daray barwaaqo ah.waxa loogu wanqalay asli.waxa ku curtay lammaane aqoon iyo garasho lagu majeerto oo laga jecel yahay magalada burco .

waa qoys nolol ficaan ku nool. caasha;waa asli hooyadeed waxay bare ka tahay dugsiyada sare ee magalada burco.axmed ;waa asli aabbeheed oo ah bare sare oo jaamacadaha dalka wax ka dhiga.

muddo 16 sano ka badan ayaa ka soo wareegtay dayrtii ay dhalatay asli.waxay dhigata dugsiga sare ee sheikh bashiir ee magaalada burco.asli waa gashaanti, qurux ,dabeecad iyo dhaqan-wanaag rabbi u hibo uga dhigay.

asli kuma fiicna wax-barashada.niyad iyo xiise midna u hayso wax-barashada,haseyeeshee,hooyadeed waxay ku riyootaa inay mustaqbalk asli noqoto gabadh aqoon leh,laakiin asli markasta oo ay maqasho erayadaas kuma ay farxijirin!.

Asli waxay aad u jeclayd inay dalka ka dhoofto,taas ayaa ahayd himilada iyo yoolka nolosheed.

asli waalidiinteenteed markay ka warheleen xaaladda inantooda.waxay sameeyeen waxkasta oo ay ku dhoofin karaan nasiib xumo se kumay guulaysan asli inay maruun ka dhoofto dalka.5 sano ayay ku qaadatay   siday asli u raadinaysay dhoof. Hanti badan ayay asli hooyadeed ku bixisay sidii ay u dhoofin lahayd inanteeda asli.

Markay asli ogaaday in wadda kasta oo ay u mari lahayd dhoof ay soo xidhan-tay. nayad-jab iyo werwer, isku buuq iyo rajo la’aan ayaa wehel  u noqday asli.rag badan ayaa guur u soo bandhigay asli, haseyeeshe, dheg-jalaq umaysiin waayo dhoof ayay waxkasta ka jeceshahay!.

 

Hooyadeed caashi waxay ka werweraysaa oo ay is waydiinaysaa " goorma ayay tahriibi asli oo libaax-badeedku ku quraacan!?”.laakiin asli  weli dhoofkii  ayay ku adag tahay.guur iyo shaqo midna  ugu ma jiro qorshaha .hooyadeedna waxa dhakafaar ku riday;asli oo wakhtigan gabadh weyn ah welina gashaanti ah!.

Maalin maalmaha ka mid ayaa asli loo soo bandhigay inay guursato wiil  dalka debedisa ka yimi oo ay qaraabo qansax yihiin,asli way ogolaatay guurka wilkaas iyadoo ka rajaynaysa inuu noqon doono waddo ay u marto dalka debediisa.sidaas ayaa meherkii iyo arooskii ku dhammaday iyadoo laba qoys ay diyaariyeen waxkasta.

Bil ka dib arooskii asli.waxkasta way is-bedeleen.riyaadii ay jeclayd way sii adkaatay.guurkii iyo wiilki qurbajooga ahaa ee dhoofka ay rajaynaysay  waji cusub ayuu la soo baxay.hebeenkii 1;00 AM ayuu guriga yimaadda isagoo sarkhaansan.marmarka qaar nafteeda ayuu khatar geliyaa.haddii ay la hadasho gacan ka hadal ayuu ugu jawaaba.murugo iyo oohin ayay asli miciinbiday marka ay keligeed tahay.qoyskeedu markay waxka waydiiyaan ninkeeda iyo sida uula dhaqmo ,waxay ku jawaabtaa " waa nin wanaagasan!”.waxay haddana  ku tidhaada nafteeda,"maxaad naftaada beenta ugu sheegaysaa? mar haddii aan dhoof  ka doonayo dhiba ma leh waxaaso oo dhib ah ee naftayda soo gaadhayaa !”.

9 bilood  ayaa ka soo wareegtay arooskii  asli. Hadda waa xaamilo. Waxay se umushay wiil laakin bil ka dib  waa uu geeriyooday ilmihii.

habeenka mid ah habeenada  ayuu saygeed xilli-dambe soo galay guriga isagoo sarkhaansan,markay albaabka ka furtayna quraarad ayuu  madaxa kaga dhuftay iyana baroor ayay cuskatay. inyar ka dib dariskii ayaa soo kacay oo asli dhakhtarka ula cararay.halkaas ayaa beryo lagu dabiibay.markii ay ladnaatay waxa asli qoyskeedi ka fureen ninkii ay guursatay .sidaas ayay  garoob ama carmal ku noqotay!.

Mar la waydiiyay  asli .maxaad u dayacday  wiilashii ku soo sheeko tegi jiray ee wanaagsana.waxay ku jawaabtay " riyaan dhab moodi jiray!!”.

markasto oo ay asli dib u xasuusato  nolosheedi hore iyo dhoof jacaylkeedi,waxay ku calaacali jirtay    " ma riyaan dhab mooday!?”….

 

Qalinkii ; bashiir racdeeye

 burco,somaliland

raacdeeye.1@gmail.com