Real Madrid Oo Santiago Bernabeu Barbaro Kula Gashay Valencia, Marco Asensio Oo Guuldaro Ka Badbaadiyay Los Blancos Xili Sergio Ramos Uu Kooxdiisa U Gudoomay Koobkii La Liga Ee Ay Ku Soo Guulaysteen.

0
Monday August 28, 2017 - 09:08:39 in by salman abdi
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Santiago Bernabeu Barbaro Kula Gashay Valencia, Marco Asensio Oo Guuldaro Ka Badbaadiyay Los Blancos Xili Sergio Ramos Uu Kooxdiisa U Gudoomay Koobkii La Liga Ee Ay Ku Soo Guulaysteen.

    Real Madrid ayaa barbaro 2-2 ah Santiago Bernabeu kula gashay kooxda Valencia iyada oo Marco Asenio iyo kooxdiisa Los Blancos guuldaro ka badbaadiyay dhamaadkii kulankan. Inkasta oo ay Real Madrid gool ku hormartay qaybtii hore ee kulankan ayay hadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa barbaro 2-2 ah Santiago Bernabeu kula gashay kooxda Valencia iyada oo Marco Asenio iyo kooxdiisa Los Blancos guuldaro ka badbaadiyay dhamaadkii kulankan. Inkasta oo ay Real Madrid gool ku hormartay qaybtii hore ee kulankan ayay haddana Valencia ciyaarta dib ugu soo laabtay iyada oo isla qaybtii hore bilawgeedii goolka barbaraha keensatay.  

Real Madrid ayaa barbaro 2-2 ah Santiago Bernabeu kula gashay kooxda Valencia iyada oo Marco Asenio iyo kooxdiisa Los Blancos guuldaro ka badbaadiyay dhamaadkii kulankan. Inkasta oo ay Real Madrid gool ku hormartay qaybtii hore ee kulankan ayay haddana Valencia ciyaarta dib ugu soo laabtay iyada oo isla qaybtii hore bilawgeedii goolka barbaraha keensatay.

Kondogbia ayaa Valencia u dhaliyay goolka labaad ee ay ugu dhawaatay in ay guul ku gaadhi kartay laakiin Marco Asenio oo goolka hore ee Real Madrid dhaliyay ayaa markan Los Merengues ku badbaadiyay kubbad laaga xorta ah uu ku dhaliyay balse kooxda koobka La Liga difaacanaysa ee Madrid ayaa dhibcihii ugu horeeyay garoonkeeda ku lumisay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

REAL MADRID (4-3-3): Navas; Carvajal, Casemiro, Nacho, Marcelo; Kroos, Modric, Isco; Bale Benzema, Asensio.

Kaydka:Casilla, Hernandez, Vazquez, Llorente, Mayoral, Kovacic, Ceballos.

VALENCIA (4-4-2): Neto, Montoya; Vezo, Murillo, Lato; Soler, Parejo, Kondogbia, Gaya; Rodrigo, Zaza.

Kaydka:Domenech, Maksimovic, Medran, Santi Mina, Jimenez, Vidal, Gil.

Ka hor intii aanu kulankani bilaamin waxaa Real Madrid garoonkeeda Bernabeu lagu gudoonsiiyay koobkii horyaalka La Liga ee ay xili ciyaareedkii hore ku soo guulaysatay iyada oo Sergio Ramos oo kulankan ganaax ku seegay uu kooxdiisa u gudoomay koobka horyaalka iyada oo Santiago Bernabeu ay jamaahiirta Los Blancos si layaableh u soo buux dhaafisay.

Real Madrid ayaa jamaahiirta kooxdeeda u soo bandhigtay saddexda koob ee La Liga, UEFA Super Cup iyo waliba Spanish Super Cup iyada oo ka hor intii ayna ciyaartu bilaamin ay farxad wayn u ahayd Los Blancos oo 98 maalmood kadib loo gacan galiyay koobka horyaalka La Liga markii ay Malaga ku soo garaacday maalintii horyaalka ugu danbeeyay ee ay koobkan soo xaqiijisatay.

DAQIIQADII 2 AAD ee bilawgii ciyaarta Real Madrid ayaa ku dooday in ay rekoodhe heshay kadib markii uuVezo kubbadu gacanta kaga dhacday kadib markii uu cadaadis kala kulmay Marco Asensio laakiin garsooraha ayaan waxbaka soo qaadin dacwada Madrid.

DAQIIADII 10 AAD Marco Asensio ayaa goolka furitaanka kooxdiisa Real Madrid u saxiixay isaga oo sii watay gool dhalintiisa layaabka leh isaga oo si qurux badan u lugta bidix ugu dhaliyay goolka ayna wax fursad wayni ahi ka muuqan markii hore wuxuuna Asensio muujiyay sida uu gool magafe ugu yahay kooxda Zidane waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 18 AAD Valencia ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii ay si fiican kubbada uga soo shaqeeyeen waxaana meel dhaw goolkan ka dhamaystirayCarlos Soler kaas oo caawin ka helay Toni Lato, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Intaa wixii ka danbeeyay ciyaarta ayaa noqotay mid aad u adkaatay laakiin Real Madrid oo dareemaysay farxada koobabka garoonka u dhex yaalay iyo jamaahiirta xaalada cajiibka ah ku jirtay ayaa doonaysay in ay ciyaarta goolal ka ka dhaliyo intii ayna qaybtii hore dhamaan balse waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Zidane ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna kooxdiisa ka reebay Isco isaga oo kaydka uga yeedhay Kovacic. Real Madrid ayaa markale doonaysay in ay raadiso goolka ay hogaanka ku soo ceshan kartay laakiin sidoo kale Valencia ayaa shaqo adag qabanaysay si ay markeeda goolka labaad u keensan karto.

DAQIIQADII 50 AAD Valencia ayaa markeeda ku dooday in ay rekoodhe heshay kadib markii uuGaya cadaadis kala kulmay Casemiro wuxuuna ku dhacay xerada ganaaxa Madrid balse garsooraha ayaan wax xiiso ah u qabin uu qaato go’aano muran keeni kara.

DAQIIQADII 53 AAD Karim Benzema ayaa gool cadaan ah kooxdiisa Real Madrid ka qasaariyay kadib markii uu kubbad fiican ka helay Marcelo isaga oo xidiga ree France ku fashilmay in uu kubbada shabaqa ku taabto.

Real Madrid ayaa fursado fiican oo badan abuuraysay si ay u jabiso iska caabinta xoogan ee ay Valencia ku soo bandhigaysay Bernabeu waxaana jiray isku dayo badan oo ay xidigaha Madrid goolka ku raadinayeen balse Valencia ayaa la soo baxay qaab ciyaareed ay xaalada ugu adkayn karto Madrid.

DAQIIQADII 77 aad Saxiixa cusub ee Valencia eeKondogbia ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee uu u dhaliyo kooxdiisa Valencia xaalada ugu xumeeyay Los Blancos oo si wayn u doonaysay in ay hesho goolka labaad balse Valencia ayay noqotay kooxda ay u suurtogashay in ay labaysato wuxuuna xidiga ree France eeKondogbia uu goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Rodrigo waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Valencia markeeda hogaanka ciyaarta ku qabtay.

DAQIIQADII 83 aad Marco Asensio ayaa isku taagay in uu kooxdiisa xaalada adag ka saaro isaga oo kubbad laaga xorta ah oo uu soo tuuray si fiican ugu garaacay ciyaartoyda safka Valencia u gashay ee goolka difaacanayay iyo waliba goolhayaha wuxuuna kubbada markii labaad ku hubsaday shabaqa kooxda martida ahayd si uu ciyaarta uga dhigo barbaro 2-2 ah.

Inkasta oo uu Marco Asensio si fiican u tuuray kubbada uu goolka labaad ku dhaliyay haddana ciyaartoyda Valencia ee safka goolkooda ku hojoogay iyo waliba goolhayaha ayaa qaab liitay sameeyay waxayna taasi ka caawisay in 21 sano jirkani uu ciyaarta barbaro ku soo celiyo.

DAQIIQADII 92 AAD ee waqtigii dheeriga ahaaBenzema ayaa u muuqday mid saddexda dhibcood Real Madrid u soo hooyeey kadib marii uu helay fursad cajiib ah laakiin xidiga ree France habeenkiisii may ahayn waxaana markan gool cadaan ah ka beenisay birta goolka. Benzema oo fursado badan oo fiican lumiyay ayaa barkan nasiib xun ku lahaa in aanu shabaqa gaadhin.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah iyada oo Los Blancos kulankii ugu horeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan laba dhibcood ku lumisay laakiin Marco Asensio ayaaba noqday xidiga Zidane iyo kooxdiisa guuldaro ka badbaadiyay iyada oo Los Blancos ay ciyaartoy muhiim ahi ka maqnaayeen kulankan.