Daawo Sawirada: Kumbuyuutar dareemaya waxyaabaha qarxa oo lasoo bandhigay

0
Tuesday August 29, 2017 - 12:53:41 in by Burco Office
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Kumbuyuutar dareemaya waxyaabaha qarxa oo lasoo bandhigay

    Nin u dhashay dalka Nigeria oo lagu magacaabo Oshi Agabi ayaa soo bandhigay kumbuyuutar kiimiko lagu xiray waa wax uriya. Wuxuu arrintaasi ka sheegay shirkad TEDGlobal ee Tanzania ka socdo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin u dhashay dalka Nigeria oo lagu magacaabo Oshi Agabi ayaa soo bandhigay kumbuyuutar kiimiko lagu xiray waa wax uriya. Wuxuu arrintaasi ka sheegay shirkad TEDGlobal ee Tanzania ka socdo.
Qalabka ayaa la baray sida wax loo uriyo, gaar ahaan waxyaabaha qarxa, waxaana loo adeegsan karaa in lagu badalo hanaanka duqoobay ee amniga garoomada diyaaradaha.

Ugu dambeyn qalabkan oo lagu magacaabo dubbed Koniku Kore, wuxuu maskax u yeeli karaa robot-yada mustaqbalka la soo saari doono.

Khubarada waxay sheegayaan in sameynta qalabkan ay dhibaato kala kulmi doonto suuqa kala iibsiga.

Dhammaan shirkadaha waaweyn ee teknolojiyadda, sida Google iyo Microsoft, ayaa hadda wado olole ay ku sameynayaan qalab leh wax u dhigma maskaxda aadanaha oo waxkasta fahmi kara.

Ayadoo kumbuyuutarada ay meelaha qaar aadanaha uga wanaagsan yihiin, marka ay timaado xasuusta iyo mashquulka badan, hadana waxaa jiro waxyaabo maskax wanaagsan u baahan:

In kumbuyuutar la baro in uu garto urta iyo waxyaabaha qarxa waxay u baahan doontaa awood iyo tamar aad u wayn oo kumbuyuutar uu ku shaqeyn karo.

Oshiorenoya Agabi wuxuu doonayaa in hannaan kumbuutar oo maskax leh uu sameeyo
Agabi wuxuu doonayaa in uu badalo awoodda biology-ga oo horey loo adeegsaday.

Wuxuu ku badalayaa awood yar oo kiimiko ah oo falgelin karta kumbuyuutarka. "Biology waa teknoloji," ayuu yiri. "Dhammaan barashadeena qotada dheer waxay ka timaadaan maskaxdeena".

"Kiimikada neuron-ka waxaa siin kartaa farriimo ku saabsan waxa la sameynayo. Anaga waxaan dooneynaa in aan u sheegno sida loo garto waxyaabaha qarxa."

Inta badan qalabka caaqilka laga dhigayo waxaa lagu xiraan neurons shaqeynaya
Wuxuu doonayaa in arrintan ay gacan ka geysato yareynta safafka dhaadheer ee eelaboorada xilliga baaritaanka amniga la marayo.

Waxaa sidoo kale la doonayaa in qalabkan uu garto qofka xanuunsan iyo nooca jirada uu qabo. Wuxuu qabanayaa neefta bukaanka oo uu ka ogaanayaa xanuunka.

Qalabkan cusub oo muuqaal ahaan TED lagu soo bandhigay, weli si rasmi ah bulshada looma tusin.
Muuqaalka waxaa ka muuqday walxaha loogu talagalay in kumbuyuutarka uu wax ku garto oo Shaybaar laga soo saarayo.








Xigasho BBC