Miyaa Kulanka El-Clasico Ee Ay Ku Dagaalamaan Barcelona & Real Madrid Laga Daawan Doonaa Ciida Britain?

0
Monday September 11, 2017 - 17:30:10 in by Burco Office
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyaa Kulanka El-Clasico Ee Ay Ku Dagaalamaan Barcelona & Real Madrid Laga Daawan Doonaa Ciida Britain?

    Kulanka El-Clasico ee dhexmari doona Barcelona & Real Madrid ayaa la ciyaari doonaa maalmo yar ka hor feestada ciida masiixiga, balse natiijada wacan ee uu xambaarsan yahay waqtigaas waxey tahay in laga daawan doono ciida Britain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka El-Clasico ee dhexmari doona Barcelona & Real Madrid ayaa la ciyaari doonaa maalmo yar ka hor feestada ciida masiixiga, balse natiijada wacan ee uu xambaarsan yahay waqtigaas waxey tahay in laga daawan doono ciida Britain.

 

Kulanka El-Clasico ee dhexmari doona Barcelona & Real Madrid ayaa la ciyaari doonaa maalmo yar ka hor feestada ciida masiixiga, balse natiijada wacan ee uu xambaarsan yahay waqtigaas waxey tahay in laga daawan doono ciida Britain.

Maamulka La Liga ayaa xaqiijiyay in 23-ka December la daawan doono kulanka ugu weyn kubadda cagta sida la isku waafaqsan yahay, Barcelona ayaana u safri doona magaalada Madrid iyagoo kula ciyaari doona Santiago Bernabeu dhigooda Real Madrid.

Kulanka waxaa la daawan doonaa waqtiga qadada, sidaas darteed si sharci ah ayaa looga daawan doonaa Britain, waxaana sidaas xaqiijiyay madaxweynaha La Liga Javier Tebas kaas oo wareysi siinayay idaacadda Onda Cero.

Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay kulankii El-Clasico ee dhacay waqtiga 3pm xiliga Ingiriiska ee ka dhacay Camp Nou lama daawan madama waqtigaas ay jireen kulamo ka tirsan horyaalka Premier League, balse kulankaan wuxuu wax badan ka horeeya ciyaaraha maqribnimiada maalintaas la ciyaari doono gudaha UK.

Waa arrin u wanaagsan labada kooxood sidoo kalana u wanaagsan maamulka La Liga, madama ay heli doonaan xuquuqda baahinta United Kingdom.

Kulankaan lama oga xaaladda uu kusoo aadi doono, balse xilli ciyaareedkaan bilowga ah labada kooxood siyaabo kala duwan ayey ku bilowdeen horyaalka La Liga.

Barcelona sadex guulood ayey ku bilowdeen kuna darso inaan wax gool ah laga dhalin halka Real Madrid ay kaliya hal guul gaartay sidoo kalana ay laba barbardhac ku gashay gurigeeda Santiago Bernabeu taasoo ka dhigan iney 4-dhibcood ka hooseyaan Barcelona.