Muxuu Tababare Pep Guardiola Ku Yiri Xidiga Khadka Dhexe Southampton Nathan Redmond Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Etihad Stadium Ee Xalay?

0
Thursday November 30, 2017 - 14:05:40 in by Burco Office
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Tababare Pep Guardiola Ku Yiri Xidiga Khadka Dhexe Southampton Nathan Redmond Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Etihad Stadium Ee Xalay?

    Muxuu Tababare Pep Guardiola Ku Yiri Xidiga Khadka Dhexe Southampton Nathan Redmond Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Etihad Stadium Ee Xalay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Tababare Pep Guardiola Ku Yiri Xidiga Khadka Dhexe Southampton Nathan Redmond Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Etihad Stadium Ee Xalay?

Tababare Pep Guardiola ayaa waji caro leh ku wajahay xidiga khadka dhexe Southampton Nathan Redmond markii ay dhamaatay ciyaartii ay Citizens waqtiga dhimashada guusha ka heshay kooxda martida aheyd ee Saint.

Raheem Sterling ayaa dhaiyay golka guusha Citizens daqiiqadii 96-aad, waxeyna aheyd guushii 13-aad oo ay helaan 14-kulan oo ay ciyaareen, sidoo kalana waxey xalay u aheyd guushii 12-aad oo xiriir ah.

Guardiola ayey kaamirooyinka qabteen isagoo garabka ka qabanaya Redmond sidoo kalana ugu yaraan u adeegsaday dhawr eray oo canaan ahaa sida ka muuqatay falcelintiisa, balse macalinka reer Spain wuxuu qiray inuu wiilka u sheegay kaliya inuu yahay wiil leh xirfad fiican balse ay aheyd iney kubadda horay u riixaan.

Si kastaba intii lagu jiray shirkii jara’aid ee ka dambeeyay kulanka ayuu Pep Guardiola saxaafadda u xaqiijiyay inuu kaliya wiilka u sheegayay muddo 9-daqiiqo ah inuu luminayay waqtiga.

"Waxaan u sheegayNathan Redmond sida uu u wanaagsanaa ugu dambeynta. Southampton waxey leedahay qaar ka mid ah xirfadlayaal dabiici ah,Redmond waa mid ku wanaagsan kubadaha hal iyo halka” ayuu yiri Pep Guardiola.

"Balse ma aysan dooneyn iney ciyaaraan, waxey ahaayeen kuwa waqtiga dhuminayay 9-daqiiqo, anigana waxaan kaliya doonayay inaan ciyaaro”

HALKAAN KA DAAWO: