Kooxda Liverpool Oo 4:0 Ku Caraabisay Kooxda Dortmund

0
Monday August 11, 2014 - 08:41:57 in by salman abdi
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Liverpool Oo 4:0 Ku Caraabisay Kooxda Dortmund

    Iyadoo dhawaan la filaayo inay bilaamaan horyaalada yurub ayay kooxuhu ciyaarahaan kulamada saxiibtinimo ee ay ugu diyaar garoobayaan horyaaladooda. Kulan xiiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo dhawaan la filaayo inay bilaamaan horyaalada yurub ayay kooxuhu ciyaarahaan kulamada saxiibtinimo ee ay ugu diyaar garoobayaan horyaaladooda. Kulan xiiso

badan oo dhemaray kooxaaha liverpool iyo Borussia Dortmund.Kooxda liverpool oo xili ciyaareedkan ciyaari doonta iyadoo uu kamaqan yahay luis suarez ayay ciyaartani u ahayd tijaabo bal qaab ciyaareedka ay la tagayso horyaalka. Liverpool oo ku soo gashay lineup adag ayaa muujisay awood ciyaareed kadib markii ay 4:0 ku dubatay kooxda qaab ciyaareedka fiican ee Dortmund.

 

Liverpool iyo Dortmund ayaan wada ciyaarin tan iyo xili ciyaareedkii 2001-2 markaas oo ay isku arkeen Champions leaquega.Garoonka ayay jamaahiirta liverpool si aad ah u soo buux dhaafiyeen. Guusha ay liverpool ka gaadhay Dortmund ayaa muujinaysa in Liverpool suarez la’aan ayna wax dhib ah dareemidoonin xili ciyaareedka cusub, inkasta oo ay u baahan tahay weerar yahan buuxiya booskii uu baneeyay Suarez

 

Aaan ku bilawno shaxaha iyo lineupka ay labada kooxood ku soo kala galeen kulankan xiisaha lahaa.

 

Shaxda iyo lineupka Liverpool: ( 4-2-3-1): Mignolet; Manquillo, Skrtel, Lovren, Johnson; Gerrard, Henderson; Sterling, Coutinho, Can;

 

Kaydka Liverpool: Jones, Kelly, Toure, Sakho, Coates, Enrique, Lucas, Allen, Suso, Ibe, Lambert.

 

 

 

Shaxda iyo Lineupka Dortmund: (4-2-3-1): Langerak; Piszczek, Sokratis, Ginter, Schmelzer; Kehl, Kirch; Mkhitaryan, Aubameyang, Jojic, Ramos.

 

Kaydka Dortmund: Bonmann, Subotic, Grosskreutz, Sarr, Knystock, Bandowski, Bender, Amini, Ji, Hofmann, Immobile

 

Liverpool oo gurigeeda lagu ciyaarayay ayaa ciyaarta dardar xoogleh ku bilaabatay waxaana liverpool hogaanka u dhiibay Daniel Sturridge daqiiqadii 10aad ee bilawgii ciyaarta. Markii ay saddex daqiiqo ciyaartu sii soctay ayuu difaaca cusub ee Dejan Lovren liverpool u dhaliyay goolka labaad kaas oo ahaa koolkiisii kowaad iyo waliba kulankiisii kowaad.Lovern oo kooxda liverpool aad u jecel ayay 13 daqiiqo ku qaadatay inuu goolkiisa kowaad u dhaliyo.qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2:0 ay liverpool ku hogaaminayso.

 

Markii layskugo soo noqday qaybtii danbe ee ciyaara ayay liverpool halkii ka sii waday gacan ku haynta ciyaarta waxaana daqiiqadii 49 aad ee qaybtii danbe ee ciyaarta liverpool u suurto gashay inay gool saddexaad la timaado waxaana goolka saddexaad u dhaliyay Coutinho kadib markii uu baas qurux badan ka helay Sterling. Iyadoo aad moodo in Dortmund ay isku dhex yaacday kadib weerar aan kala joogsi lahayn oo kaga imanaayay Sterling, Coutinho iyo Sturridge ayay liverpool dhalisay goolkii afraad ee ciyaarta waxaana markan shabaqa soo taabtay Jordan Herdenson. Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4:0 ay liverpool guushu ku raacday. Rodgers ayay farxad u tahay in kooxdiisu 4:0 kaga badiso kooxda Dortmund oo ah koox laga baqdo, mana sahlana inaad Dortmund sidan oo kale uga badisaa.



Markasta iyo Wakhti kasta Kale Saco Shabakada Afkashacabka Wararka Dunida Ka Dhaca iyo Ciyaraha Aduunka Kasocdaa