Madixii Hore Ee Fulinta Arsenal, David Dein Oo Xaqiijiyey In Real Madrid Iyo PSG Ay La Soo Xiriireen Arsene Wenger

0
Monday April 23, 2018 - 18:06:45 in by salman abdi
  • Visits: 1156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madixii Hore Ee Fulinta Arsenal, David Dein Oo Xaqiijiyey In Real Madrid Iyo PSG Ay La Soo Xiriireen Arsene Wenger

    Madixii Hore Ee Fulinta Arsenal, David Dein Oo Xaqiijiyey In Real Madrid Iyo PSG Ay La Soo Xiriireen Arsene Wenger

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madixii Hore Ee Fulinta Arsenal, David Dein Oo Xaqiijiyey In Real Madrid Iyo PSG Ay La Soo Xiriireen Arsene Wenger

David Dein waxa uu daaha ka rogay in Arsene Wenger ay durba soo gaareen dalabyo kaddib markii uu jimcihii ku dhawaaqay in uu ka tagayo Arsenal dhammaadka ol’olahan.

Madixii hore ee fulinta Arsenal waxa uu ku dhawaa tababaraha reer France tan ilaa iyo hadda oo uu soo gunaanaday waayihiisii 22-ka sano ee uu leylinayey kooxda Premier League-ga – waxa uu wareysi uu siiyey Sky Sports daaha uga rogay in tiro kooxo ah ayey isla markiia isku dayeen in ay helaan 68-jirka.

"Dalabyadu kuma yaraan doonaan,” ayuu yiri Dein.

"Shaqsiyan waxaan qabtay telefanno dad kala duwan ah shalay, oo dhahaya, mala hadli karnaa isaga? Dalayada kooxaha uga imaanaya kuma yaraan doonaan.

"Dhawrkii sano ee u dambeeyey, waxaa la soo xiriiray qaar ka mida kooxaha dunida ugu waa weyn, Real Madrid, Paris Saint – Germian, xulka qaranka ayaa waqti waqtiyada ka mida rabay.


"Weydiintu waxa weeye miyuu rabi doonaa in uu intaa ka badan sii wado. Marba marka ka dambeeya wey sii adkaaneysaa. Waa yar cadaadis.

"Oh, haa, 69 jir ayuu noqon doonaa October, laakiin si qeyrul-caadi ah ayuu taam isaga dhigaa. Miisaankiisu waa isla intii markii aan la kulmay, 75 kilo.

"Taam ayuu iska dhigaa. Maskax shaqeeneysa ayuu leeyahay, aqoon ciyaareed.”